Hargeysa – (warsoor)-Ciidanka Dab-damiska Caasimada Hargeysa ayaa Gurmad baaxadle oo biyo dhaamin ah la gaadhay dadweynaha Deegaanka Bederwanaag oo 40KM kaga beegan dhanka Koonfur barri magaalada Hargeysa
oo mudooyinkii ugu danbeeyey saamaysay isla markaana ay soo gaadhaysay Abaarta baaxada leh ee ku habsatay dhamaan Gobolada Barriga iyo badhtamaha Somaliland taasi si weyn ay ugu shuf beeleen dhamaan xoolihii noolaa ee Goboladani lagu dhaqanaayey.
Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-damiska Qaranka oo war-bixin qoraala oo ku saabsan gargaarkan ay ugu gurmadeen dadweynaha deeganka Bederwanaag oo uu soo dhigay bogiisa gaarka ah ee uu ku leeyey barta facebooga ayaa waxa ay u dhignayd sidan, “Dhimashada duunyada amase xoolaha abaartu saameysey oo soo gaadhey daafaha Caasimada Hargeisa halkani waa tuulada BederWanaag oo qiyaastii 40 KM u jirta Hargeisa halkaasi oo ay ka bilaabantey in xooluhu u dhintaan calaf la’aan ay weheliso biyo la,aani halka dadka deegaankan ku noolaa badankoodu u hayaameen gobolada galbeedka balse dadkii aan awood u laheyn in ay guuraan amase ka hayaamaan abaarta dhulkan ka jirta ayaa waxa soo food saartey dhimasho xoolahooda ku bilaabantey iyada oo dadkuna aad iyo aad u jilicsan yihiin. geesta kale naftood hurayaasha Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeisa ayaa baryahanba ka wadey biyo qeybin ay ugu gurmanayaan dadka deegaanka ku hareereysan halkaasi oo ay habeen iyo maalinba awoodooda ugu shaqeynayaan sida ka muuqata sawiradan oo ay nasoo gaadhsiiyeen xubno ka tirsan Ciidanka dab-demiska ee howshaasi aanu u xilsaarney.Ilaahow naga soo jabi abaarta raxmadaadana nagu soo qabooji, dambigayga, dambiga waalidkey iyo muslimiinta dhamaantood u dambi dhaaf raxmadaadana nagu soo qabooji.”
C/qaadir Cumar Xaashi
Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-damiska Qaranka
This post is also available in:
Somali