Ciidamada Xeebaha Galmudug oo qabtay Doon laga leeyahay Dalka Yemen

Muqdisho – (warsoor) – Ciidamada Ilaallada Xeebaha Dowlad Gobolleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa doonidaan laga lahaa Dalka Yemen oo ay Saar Nayeen 39 bad-maaxiyiin u dhashay Yemen iyo nin Soomaali ah ka qabtay deegaanka Labad oo 30-km kaga beegan Dhanka Bari Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug  halkaas oo ay ka wadeen Kalluumeysi Sharci Darro ah.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Badda Dowlad Gobolleedka Galmudug Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa u sheegay Warbaahinta in labo ka mid ah Bad-maaxiyiintii Saarnaa Doonidaas laga lahaa Yemen uu soo gaaray Dhaawac, iyagoo hadda la dabiibayo.

Sidoo kale waxaa la xiray dhamaan ragii kale ee saarnaa Doonidaasi waxaana ku socda Baaritaan sida ay sheegeen saraakiisha Dowlad gobaleedka Galmudug.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.