Baarlamaanka oo khudbad ka dhageysanaya Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka

Muqdisho- (warsoor) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dhageysanaya musharaxiinta u tartamaya xilalka ka duwan ee guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Ilaa 22-Musharax ayaa u taagan saddaxda xi lee guddoonka baarlamaanka sida ay shaaciyeen Guddiga qaban qaabada doorashada gudddoonka baarlamaanka ee Soomaaliya.

Afar Musharax ayaa u tartameysa Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sidoo kale Ku Xigeenka Koowaad u tartamaya Lix Musharax, halka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ay u tartamayaan 12-Musharax.

Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo labadiisii ku xigeen kuwaasi oo doonaya inay markale ku soo laabtaan kuraasta.

11-ka iyo 12-ka Bishaan ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo Doorashada guddoonka baarlamaanka ee Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.