Ciidamada daraawiishta Galmudug oo gacanta ku dhigay maleeshiyaad iyo gaari ay qaraxyo ka soo buuxiyeen

Muqdisho – (WARSOOR) – Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa Duleedka Deegaanka Cadalle ku qabtay Maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab iyo gaari ay kasoo buuxiyeen walxaha Qarxa

Saraakisha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa ii xaqiijiyay inay Maleeshiyaadkaan iyo gaarigii ay wateen ciidanku gacanta ku dhigeen, ka dib Howlgal qorshaeysan oo laga fuliyay inta u dhaxeeysa wisil iyo Bajeela.

Saraakiisha waxay tilmaameen inay maleeshiyaadku doonayeen inay qaraxyo dhigaan wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo, balse, ciidamada oo ka war helay dhagarta nabad-diidka Al shabaab ay waqti ku bixiyeen sidii Gacanta loogu dhigi lahaa ayna Suuro-gashay