THYROID: DILAAGA QARSOON EE DUMARKA

Qanjirka thyroid ka waa qanjir u samaysan sidii balan baalisti oo kale waxa uuna qaybta hore kaga yalaaa cunaha ( hawa marenka )waxa uuna dhuunta kahga yalaa dhan ka hoose Qanjirkaan marka uu cadiga yahy lama daremo Waxa uuna leeyahy 2 dhinac.

FG: Dumarka qaba cudurka ku dhaca qanjirkan waxa ay maraan xalado ku bilowdaan tartiib tartiib kadibna isu badala halis cafimaad.

Astaamaha qanjirka ‘thyroid’ (hypothyroidism)

Calaamaduhu si tartiib tartiib ah ayey u kobcaan oo ma ogaan kartid inaad dhibaato caafimaad qabto dhowr sano.

Calaamadaha ugu horeyo waxaa ka mid ah:

  1. Daallanaan
  2. U nuglaansho qabow
  3. miisaanka oo kordha
  4. Calool istaag
  5. Niyad jab
  6. Dhaqdhaqaaq oo dhiba
  7. Fikir gaabis ah
  8. Murqo xanuun iyo daciifnimo
  9. Maqaar qalalan oo fiiqan
  10. Timo jajaban iyo ciddiyaha oo siibta
  11. Kabuubyo iyo dareemid la aan gacanta iyo faraha
  12. Qufac iyo hergab soolaalabta ayan kadiba
  13. Hurdo badan oo xad dhaaf ah

Xaaladaha halista ah

  • Indhaha oo soo barara
  • Isha iyo baarka inta udhaxaysa oo midabku isbadala
  • Kansar dhuunta ah