Ciidamada Booliska Somaliland Oo Soo Xidhay Sheekh Culimadda Somaliland Ka Tirsan

Hargeysa – (warsoor) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay inay soo xidhgeen sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Suni) oo ka mid ah culimadda waaweyn ee Somaliland, ciidamada ayaa sheekha ku eedeeyey inuu galay falal amniga lid ku ah.

Shir jaraa’id oo ay maanta ciidamada Booliska Somaliland ku qabteen xarunta Taliska guud ayey ku sheegeen in xadhiga sheekh ay u mareen sifo sharci ah una soo jareen waaran qabasho ah ka dib markii ay sheegeen inay ku heleen dambi amniga lidi ku ah.

Xadhiga_Sh.Sunne

Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland Gaashaanle Share Faysal Xiis Cilmi oo ka hadlaya sid ay u soo qabteen sheekha ayaa yidhi, “Xalay oo ay bishu ahayd laba Goor ay saacadu ahayd ilaa 12:20am, ciidanka biliisku waxay gacanta ku soo dhigeen ooy ku soo xidheen xarunta CID-da Aadan Cabdiraxmaan Warsame oo loo yaqaano Aadan Sunne”.

Taliya ayaa sheegay sababta ay u soo xidheen sheekha waxaanu yidhi, “Sheekhaasi waxaa uu ku kacay falal amni daro oo khatar ku ah bulshadda Somaliland”.

Taliyaha ayaa sheegay in Sheekha si degdeg ah loo hor kayn doono maxkamadda si loogu oogo dambiga lagu eedeeyey inuu sheekhu galay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.