Biden oo sheegay in go’aanka Finland iyo Sweden ay xoojin doonto NATO

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa carabka ku adkeeyay in go’aanka Dowladaha  Finland iyo Sweden ee ku saabsan ku biirista NATO ay xoojin doonto howlaha isbahaysigayada.

Biden ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray galinkii danbe ee shalay in ku biiritaanka NATO, Dowladaha Finland iyo Sweden ay gacan ka geysan doonto xoojinta xasiloonida adduunka, waxuu intaa ku daray in ku biiritaanka dalalkan ay NATO kaga dhigantahay guul laga gaaray arrimaha dagaalka Ukraine.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in ku biiritaanka NATO  ee dalakan ay muujineyso sida Washington ay uga go’an tahay gacan ku haynta ammaanka Yurub.

Tani ayaa timid ka dib markii Madaxweyne Biden uu ansaxinta codsiyada Dowladaha Finland iyo Sweden si ay ugu biiraan NATO, tallaabadaas oo lagu ballaarinaayo isbahaysiga reer galbeedka si looga jawaabo howlgalka milatari ee Ruushka uu ka wado Ukraine.