Salmaan Rushdi:Nin ku can baxay isalaam naceybka oo lagu dhaawacay New York

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Salman Rushdie, oo ah qoraa u dhashay dalka Hindiya, isla markaana ka dambeeyay daabacaadda buug lagu aflagaadeynayo islaamka oo la qoray 40-sano ka hor, ayaa maalinimadii shalay lagu dhaawacay Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Booliisku ayaa xaqiijiyay in Rushdie uu dhaawac halis ah ka soo gaaray qoorta iyo caloosha,kadib markii nin dhallinyaro ah uu ku weeraray middi .xilli uu khudbad ka jeedinaayey masrax ku yaalla Koonfur-galbeed Magaalada New York.

Booliska ayaa caddeeyay in la hayo eedeysanihii ka dambeeyay weerarkaasi,kaas oo magaciisa lagu sheegay Hadi Matar oo 24 jir ah kana yimid Gobolka New Jersey.

Andrew Wylie, oo ah wakiilkiisa buug, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Salmaan ay u badan tahay inuu waayi doono hal il,kadib kolkii uu go’ay xididka neerfaha,waxaana sidoo kale uu tilmaamay in uu dhaawac ka soo gaaray beerka.

Iiran ayaa sannadihii 1980-kii soo saartay fadwo lagu dili karo qoraaga Salmaan Rushdi,kadib markii uu qoray bug lagu aflagaadeynayo islaamka oo uu ugu magac daray aayadaha sheydaanka.