Baarlamaanka Puntland oo diiday iney xasaanadda ka qaadaan xildhibaan Cawil Daad

Puntland – (warsoor) – Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland oo maanta cod u qaaday codsi dhawaan ka soo baxay xeer ilaalinta maamulkaasi oo ahaa in xasaanadda laga qaado xildhibaan Cawil Xasan Daad kadib markii uu su’aalo weydiiyay madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ayaa si aqlabiyad ah ku meelmariyay in la laalo dacwaddaasi.

Warar xalay soo baxay ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu oggolaaday inuu la laabto dacwadda.

Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo BBC la hadlay ayaa sheegay in haddii kiis loo haysto ay jirto hanaan loo maro islamarkana ay ahayd in baaritaan la sameeyo.

“Anigu dambi waan gali karaa waana la i dacwayn karaan laakiin hanaan loo maro ayay leedahay oo ah in xeer ilaalintu ay baaritaan sameyso markii ay baaritaanka sameyso na ay gudoonka u timaado aniga i wareysato markaas ka dib ay kiiska gasho”, ayuu yiri Mr Cawil.

Xildhibaan Cawil Xasan Daad ayaa sheegay in iyada oo hanaankaasi la marin laga soo bilaabay meeshii ugu dambeysay oo ahayd in xasaanadda laga qaado sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa mar wax laga waydiiyay cafis la sheegay in u madaxwaynaha u fidiyay waxa uu sheegay in uusan madaxwaynaha ka cafin kari arrimo dastuuri ah.

“Madaxwaynuhu aniga igama cafin karo wax dastuuri ah,waxa uu iga cafin karaa oo kali ah wixii aniga iyo isaga inaga dhaxeeya ee shaqsi ah,labadeenaba isna xasaanad ayuu leeyahay anigana xasaanad ayaan leeyahay,”ayuu yiri xildhibaan Cawi.

Maxamad Xareed oo ah ku xigeenka Xeer-Ilaaliyaha Puntland ayaa Arbacadii BBC-da u sheegay in Baarlamaanka ay u direen warqad ay ku codsanayaan in xasaanadda laga qaado xildhibaan Cawil Xasan Daad.

“Qoraalkan waa codsi xasaanad ka qaadis iyo ogolaansho ku soo oogid dacwad ciqaab ah oo lagu qaado xildhibaan ka tirsan golaha Wakiillada Puntland”, ayuu yiri Maxamed Xareed. Wuxuu inta ku daray in xildhibaankaas uu “ku xadgudbay qawaaniinta iyo dastuurkadalka u degsan dalka.”

Kalfadhiga 45-aad ee baarlamaanka Puntland oo la furay 26 bishii October kana furmay magaalada Garoowe kaas oo ku bilowday weji aad u kulul iyo su’aal uu madaxweynaha si adag uga jawaabay.

Kulanka oo uu ka qaybgalay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu weydiiyay su’aal aad u kulul oo dadkii meesha fadhiyay ay ku tilmaameen “in madaxweynaha ay ka careysiisay”.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo), ayaa furay kulanka isagoo sheegay “in madaxweynaha su’aalo la weydiin karo”.

Xildhibaan, Cawil Xasan Daad oo fursadda ka faa’ideystay ayaa madaxweynaha weydiiyay su’aal u muuqatay in uu aad uga “carooday” sida ay BBC Somali u sheegeen qaar ka mid ah xildhibaannada iyo dadkii kale ee kulanka lagu casuumay.

“Mudane Madaxweyne, waxaad xilka haysay sagaal bilood, wejiga dhabta ah ee xukuumadda aad hoggaamisana waxaa la moodaa in uu ku jiro maalmihii ugu dambeeyay ee muddo xileedkaaga,” ayuu su’aashiisa ku billaabay Xildhibaan Cawil.

“Mudane Madaxweyne, maadaamaa khilaafka adiga iyo madaxweyne ku xigeenkaagu uu soo noqdnoqday, oo uu yahay mushaakil dadka niyad xumi ku sii abuuray, soo kulama haboona inaad adiga iyo ku xigeenkaagu xafiiska baneysaan si aynu u badbaadinno bulshadeenna?”

Jawaabtii madaxwaynaha

Intaa ka dib, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka jawaabay su’aasha wuxuuna yiri: “Xaqiiqda marka loo hadlo, dadka dalka xogtiisa haya ma ahan Baarlamaanka oo keli ah. Dalka xogtiisa waxaa haya dadka reer Puntland oo dhan”.

“Markaan xilka qabannay meesha uu dalka joogay waad ogtihiin. Maanta waxa aan sheegeyno ma ahan warqado hadallo ku qoran; Waa wax xaqiiq dhab ah oo jira”, ayuu yiri Madaxweynaha.

“Amniga, meelihii ugu darnaa waxaa ka mid ah Boosaaso, waxaan filayaa in dad badan oo mas’uuliyiin ah ay Boosaaso ka yimaaddeen. Waxaan ka rabaa Cawil inuu caddeyn dhab ah keeno meesha amni darro darteed looga qanuuday”, ayuu yiri Deni.

Wuxuu intaa ku daray: “Gobolka Sanaag oo dhan, marka laga reebo magaalada Yubbe iyo inyar oo la mid ah, gacanta Puntland ayay soo gashay muddadii aan xilka haynay”. Kadib waxaa u sacbiyay tageerayaashiisii fadhiyaey kulanka.

Xigasho: BBCsomali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.