Diyaarad siday gargaar oo ay soo dirtay Dowladda Jabuuti oo soo gaadhay Muqdisho

Muqdisho – (WARSOOR) – Diyaarad siday gargaar loogu talagalay dadka ay fatahaaddu saamaysay oo ay soo dirtay dawladda Jabuuti ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Gargaarkan ayaa ah wejigii labaad ee Dowladda Jabuuti ay kaga qeyb qaadaneyso gargaarka loo fidinayo dadka ay saameeyeen Fatahaadda Wabiga gaar ahaan shacabka magaalada Baladweyne.

Diyaaradaan ayaa siday gar gaar isugu jira daawo, Joodariyaal,Maro kaneeco iyo teendhooyin loogu talagalay inay hooy ka sameeystaan dadka ka barakacay guryahooda.

Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Aadan xasan Aadan oo ku wareejiyay gudiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin walaalo islamarakaana ay la qeyb-sanayaan dhibaato walbo oo soo wajahda.

Wasiirka Gargaarka Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Soomaaliya ahna guddoomiyaha Gudiga Qaran ee fatahaadaha ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne ismaaciil Cumar Geele iyo Guud ahaan Shacabka iyo Dowladda jabuuti garab istaaga ay u muujiyaan mar xalad walbo uu dalkeynu ku jiro, waana Dowladdii ugu horeysa ee diyaarad gar gaar ah keenta tan iyo markii ay fatahaadaha ka bilawdeen qeybo ka mid ah dalka kuwaas oo socdo Mudo ka badan todobaad oo sameyn ku yeeshay dalka iyo Duunyada intaba.

XIGASHO: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.