Al shabaab: 61 askari baan ka dilnay Puntland

Puntland – (warsoor) – Ururka Alshabaab ayaa sheegtay in ay saaka weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ay leeyihiin ciidammada maamul goboleedka Puntland.

Waxay sheegeen in ay halkaas ku dileen 61 askari oo ka tirsan ciidammadii saldhigaa joogay ayna qabsadeen 16 gaardhi.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Af-urur oo ka tirsan Galgala oo Boosaaso u jirta 70 km, halkaas oo uu ku yaalay saldhig militari oo ay leeyihiin ciidammada daraawiishta ee Puntland.

Weerarku wuxuu billawday xiligii saxuurta, wuxuuna socda in ka badan saddex saacadood.

Si rasmi ah loo ma oga qasaaraha ka dhashay weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Shabaab.

Wasiirka amniga ee Puntland Abdi Hirsi Cali Qarjab oon la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay weerarka, wuxuuna beeniyay Sheegashada ururka Al-Shabaab ee tirada askarta ay dileen, wuxuuna intaas ku daray in saldhigga uu haatan gacanta ugu jiro ciidammadada dowladda, balse wuxuu ka gaabsaday in uu bixiyo faahfaahin intaas ka baxsan.

Ciidanka Puntland iyo kuwa Al-shabaab ayaa horay marar badan ugu dagaalamay buuraha galgalo.

Weerarka ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa kii ugu cuslaa ee sannadahan dambe ka ka dhaca Puntland.

Xigasho: BBC Soomaali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.