Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo xilkii u kala wareejisay Agaasimihii Hore Ee Maamulka Madaxtooyada iyo Agaasimaha Cusub ee Bedelay

Hargeysa – (warsoor) – Agaasimihii Maamulka Madaxtooyada Somaliland  hadana ah  Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, Mudane Maxamuud Cabdilaahi Xarbi, ayaa saaka Xilkii Agaasimaha maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada ku wareejiyey Agaasimaha dhawaan loo magacaabay Xilkaas,  waxana xilkani lagula kala wareegay Munaasibad  ka qabsoontay  Gudaha Qasriga Madaxtooyada oo ay goob joog ka ahaayeen  Madax qaybeedyada waaxyaha kala duwan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra X Gaydh) oo iyagu labadaa masuul u kala wareejisay xilka.

Mudane Xarbi oo halkaa ka hadlay ayaa ugu horayn sharaxaad ka bixiyey waayihii iyo marxaladihii kala duwanaa mudadii uu joogay xilkaasi, sidoo kalena waxa uu soo bandhigay wax qabadkiisii, sidoo kalena waxaa uu u mahad celiyey  Shaqaalaha kala duwan  ee Madaxtooyada ee sida fiican ula soo shaqeeyeen mudadii uu xilka hayey  sidoo kalena wuxuu masuulkani xilkii ku wareejiyey  Agaasimaha cusub isagoo kula dardaarmay inuu waajibaadka xilkiisa u guto  si sharciga waafaqsan.

Agaasimaha Cusub ee Maamulka iyo Shaqaalaha Madaxtooyada  Saacid Cabdi Ciise oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay xilkan uu maanta la wareegaayo islamarkaana uu rajaynaayo inuu wanaag badan kala kulmo shaqaale weynaha madaxtooyada iyo masuuliyiintaba,  waxana uu u mahad naqay maamulkii uga horeeyey xilkaasi  sida wanaagsan ee ay uga soo shaqeeyeen, Mr Saacid ayaa ka dhawaajiyey inuu leeyahay khibrad iyo waayo aragnimo maamul oo uu muddo badan kasoo shaqaynaayey  sidoo kalena   wuxuu  balan qaaday inuu si daacadnimo leh u gudan doono shaqadaasi  islamakraana uu shaqaalaha iyo maamulka kula shaqayn doono niyad wanaag.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ugu danbayntii madashaasi ka hadashay ayaa sheegtay in xilku yahay qori isu dhiib qofkuna uu ka tago ama uu ka dhinto islamarkaana aanu ahayn wax lagu waarayo,  Marwo Khadar Xaaji Gaydh waxay xustay dedaalkii iyo kartidii hore ee uu lahaa Maamulkii hore ee Shaqaalaha Madaxtooyadu waxaanay uga mahad celisay mudadii ay soo wada shaqeeyeen,  sidoo kalena waxay xilkaasi cusub kusoo dhawaysay  Agaasimaha cusub ee maamulka iyo shaqaalaha madaxtooyada mudane saacid oo ay carabowday inay garab taagin yihiin lana shaqayn doonto.

Si kastaba ha ahaatee munaasibada xil wareejintan ayaa kusoo dhamaatay waji degan oo xasiloon waxana  halkaas si rasmiya xilkii ula wareegay  Agaasimaha cusub ee maamulka iyo shaqaalaha madaxtooyada Saacid Ciise.

DSC_0079 DSC_0083

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.