π—₯π—”β€™π—œπ—œπ—¦π—¨π—Ÿ π—ͺ𝗔𝗦𝗔𝗔π—₯π—˜ π—«π—”π— π—¦π—˜ 𝗒𝗒 π—”π——π—žπ—˜π—˜π—¬π—˜π—¬ 𝗫𝗨𝗀𝗨𝗨𝗀𝗗𝗔 π—¦π—›π—”π—–π—”π—•π—žπ—” π—˜π—˜ π—›π—˜π—Ÿπ—œπ——π——π—” π—•π—œπ—¬π—’ π—‘π—”π——π—œπ—œπ—™ 𝗔𝗛 π—œπ—¬π—’ π—žπ—’π—₯𝗒𝗑𝗧𝗒 π—€π—œπ—œπ— π—’ 𝗝𝗔𝗕𝗔𝗑

π— π˜‚π—Ύπ—±π—Άπ˜€π—΅π—Ό – (WARSOOR) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo sii wada kulamada la xisaabtanka Wasaaradaha, ayaa maanta su’aalo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo kuwa u qorsheysan wax ka weydiiyey Wasaaradda Korontada iyo Biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa si faah-faahsan Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigay mashaariicda kala duwan ee wasaaradda uga hirgalay ballanqaadkii Xukuumadda Dan-Qaran ee la xiriira halbeegyada Horutabinta leh adeegyada aas-aasiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyey masuuliyiinta wasaaradda in mashaariicda tamarta iyo biyaha ee ay maalgeliyaan hay’adaha caalamiga ah ay noqdaan kuwo ay si toos ah uga faa’iidaystaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad gaar ah siinayso in bulshadu ay helaan biyo nadiif ah iyo koronto qiimo jaban.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta wasaaradda in dhammaan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee dowladda, waxa uuna faray Wasaaradda in mudnaan gaar ah la siiyo ceelashii biyaha, maadama ay khawaarijtu ka burburiyeen.

–DHAMMAADβ€”-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia