Madaxweyne Soomaaliya oo Khadka Talefoonka Kula Xidhiidhey Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Antony Blinken.

Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Mudane Antony Blinken ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada ammaanka, xasilloonida gobolka iyo taageerada Maraykanka ee dagaalka ka dhanka argagixisada.

Dhamaad
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so