Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland oo Booqdey London

London – (WARSOOR) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaladda London ee Cariga ingiriiska.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta waxa ku qaabilay garoonka diyaaradaha Hedro ee Magaaladda London xubno ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee dalka UK, iyo mas’uuliyiin ka tirsan warbaahinta qaranka, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin imaanshiyaha agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dalka Ingiiriska.

Dhankiisana Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo halkaas hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay inuu dalka Ingiriiska u tegay hawlo shaqo iyo arrimo u khaas ah, waxaanu intaas ku daray in xarunta labaad ee ugu weyn warbaahinta dawlada Somaliland ay ka furan tahay Magaaladda London isla markaana uu kulamo la qaadan doono shaqaalaha ka hawl gala xaruntaasi.

Agaasimaha guud ayaa intaas ku daray in muddooyinkii u danbeeyay ay mashaariic horumariineed ka hirgaliyeen xarunta wasaaradda warfaafinta ee caasimadda hargaysa haatana ay qorshaynayaan sidii ay u casriyeyn lahaayeen xarunta warbaahinta Somaliland ku leedahay Magaaladda London.