Xuska Maalinta Qaaxada Aduunka ee sannadka 2017-ka

Hargeysa – (warsoor) – Sannad kasta bisha Murch, 24-keeda Aduunka waxa lagu qabtaa munaasabad heer qaran loo soo agaasimay, oo loogu tallo-galay wacyi-galin iyo baraarujin caafimaad oo ku saabsan xakameynta la dagaalanka cudurka qaaxada, kaasoo loogu magac daray hal-ku dhega ah Sannadkan “Unite to End TB”  oo macno ahaan noqonaysay Aynu u midowno idlaynta cudurka qaaxada”  sannadkan 2017-ka.

Sida ay xaqiijisay Hayada caafimaadka Aduunka ee loo yaqaano WHO, in cudurka qaaxadu ka mid yahay 10-ka cudur ee ugu sareeya ee sababa dhimashada, taasoo ay ku  qiyaaseen sannadkii la soo dhaafay  in uu xanuunkaasi uu haleelay 10.4 milyan oo qof, waxaana u dhintay cudurkaasi 1.8 milyan qof oo ku noolaa aduunkan aynu ku noolnahay.

Cudurkan qaaxada waxa uu si qoto-dheer leh u raacay xididada bulshada dhexdeeda isagoo ku sii kordhaaya dadka saboolka ah, dadka qaxoontiga ah, tahriibayaasha, shaqaalaha, dumarka iyo caruurta, inkastoo ay badan yihiin sababaha dhaliya cudurkan, haddana waxa  aynu odhan karnaa, waxa ka mid ah, nafaqo darada, fayo-dhowrka iyo nadaafad daradda guryaha ee heerkoodu uu aadka u hooseeyo.

Waxa ka mid ah khataraha kale ee sababaa cudurkaasi, sida,  macaanka, isticmaalida tubaakada, maan-dooriyaha,  dadka ku sugan goobahaas ama la jooga bukaanka ee aan haysan wax uu kaga hortago cudurkaas in uu qaado.

Waxa maanta wasaarada caafimaadku qabatay munaasibad lagu xusayey  Maalinta Qaaxada Aduunka oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin ka kala socotay, hayadaha Unicef, WHO, WVI, iyo Wasaarada Caafimaadka, oo ka qabsoomay Huteelka Ambasadoor ee ku yaala caasimada Hargeisa ee Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa halkaasi ka hadlay madaxa xafiiska xakameynta cudurka qaaxada ee wasaarada caafimaadka Dr. Sayid Ismaaciil Xassan,  oo sheegay tirada guud ee xarumaha lagu daweeyo cudurka qaaxada ee ka jira dalka Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaanu yidhi:  waxa dalka ka jira 7-Cusbitaal iyo 13- xarumood oo loogu tallo-galay in lagu daweeyo dadka qaba cudurka qaaxada , dhamaan goobahaasina waxa ka hawl-gala shaqaale tiradoodu gaadhayso 350-shaqaale ah, isla-markaana, ay sameeyeen shaybaadh lagu baadho cadhuufta la beero oo ah “ National Refferal Culture Laboratory”  iyadoo saddex sanno ka hor baadhitaanka lagu ogaanayo beeritaanka cadhuufta cudurka qaaxada  loo diri jiray Caasimada Kambala ee dalka Kenia.

Dr. Sayid, Isagoo ka hadlaaya tirada dadka bukaanka ah ee la daweeyey saddexdii sannadood ee ugu danbeeyey, waxa uu yidhi: saddexdii sannadood ee ugu danbeeyey dadka soo booqday cusbitaalada  iyo xarumaha lagu daweeyo cudurka qaaxada ee la baadhay waxa ay ahaayeen tiradoodu 13,451 oo qof, waxaana cudurkaasi laga hellay oo laga daaweeyey 13,115- oo qof, sida uu sheegay ka dhigaysa in tiradaas la baadhay laga hellay xanuunkaas, marka laga reebo 336- qof, waana arrin muujinaysa in uu cudurkaasi si hoose ugu fidayo bulshada dhexdeed, inksatoo dadkaas ay yihiin kuwo iskood u soo booqday xarumahaasi, haddana ma jiraan ollole baadhitaan ah oo dhamaan dalka laga sameeyey, si loo ogaado heerka uu gaadhsiisan yahay bulshada Somaliland.

Dr. Sayid, isagoo soo qaatay saddexdii sannadood ee ugu danbeeyey, waxa uu yidhi:  sannadba sannadka ka danbeeyey ayuu  sii kordhayaa cudurka qaaxada, waxaanu intaasi ku daray :  sannadkii 2014-kii  waxa laga daweeyey cudurka qaaxada 4,270 – oo  qof,  sannadkii 2015-kiina waxa iyana laga daweeyey  cudurka qaaxada 4500- oo qof, halka, sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2016-kiina laga daaweeyey cudurka qaaxada 4,681- oo qof.  taasoo ku tusinaysa in uu jiro fiditaanka cudurka qaaxada uu ku sii fidayo bulshada dhexdeeda.

Waxa kale oo uu raaciyey, in hadda lagu soo kordhiyey 5-xarumood oo ku kala yaala gobolka awdal, Sanaag, Sool, Tog-dheer, iyo Gobolka Maroodijeex, kuwaasoo dhamaantoodaba ay hawshu si fiican uga socoto.

Mar uu ka hadlaayey dadka ku bogsan waayey daawada cudurka qaaxada ee la qabsaday, kuwaasoo kala jaray dawadii u socotay ee loogu tallo-galy mudadii lixda bilooda ahayd, ka dibna loo bilaabay daawada dadka la qabatimoobay daawada Qaaxada ee afka qalaad loogu yeedho, Multi-drug-resistant tuberculosis (MDR) waxa uu ku tilmaamay in ay tiradoodu ay yihiin 250-qof,  waxaana dhameystay buu yidhi: 130-qof, waxaana ka bogsaday cudurkaasi 100-qof, halka ay 18-qof oo ka mid ahina ay xanuunkaasi u dhinteen. daawadaas oo ay qaataan dadka bukaanka ahi muddo 2-sannadood ah.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Saleebaan Cise Axmed (Xaglo-Toosiye)  ayaa sheegay in ay jiraan goobo lagu iibiyo daawada cudurka qaaxada oo ay ka mid yihiin goobaha adeegyada caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, daawadaas oo waliba ah mid ay tayadeedu aad u hooseyso, isla-markaana, uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cidii lagu ogaado in ay iibinayaan.

Waxaanu markii danbe xadhiga ka jaray 5-xarumood oo abaaraha awgeed xadhiga loogaga jari waayey, in uu isla goobtaasi ay xafladu ahayd uu xadhiga kaga jaro, Daahfurka Xarumaha Cusub , oo lagu xardhay magacyada xarumahaasi oo loogu magac daray tuulooyinka ay ku kala yaalaan, sida, Duruksi TB center, Widh-widh TB center, Gudmo Biyo Cas TB center, Lafta Faraweyne TB center iyo Eil-gal TB center, kuwaasoo ay gacanta ku haysay Hayada SHIFAAT, isla-markaana, xarumahaasi ay shaqeeyaan.

 

Maxamed Faarax Qoti

Madaxa Isgaadhsiinta Adeegyada Caafimaadka ee Aassaassiga ah

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.