Xulalka Gobollada Hawd iyo Buuhoodle Oo Ka Badiyey Xulalka Gobollada Maroodi-jeex iyo Saraar

Hargeysa – (WARSOOR) – Xulka Gobolka Hawd ayaa laba gool iyo eber ku muquuniyey Xulka Gobolka Maroodi-jeex halka Xulka Gobolka Buuhoodle ay shan Gool iyo hal gool ay ugu awood sheegteen Xulka Gobolka Saraar.

Xulalka gobollada Hawd iyo Maroodi-jeexl oo ka wada tirsan Group A ayaa galabta ku kulmay tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ee ka socda garoonka Hargeysa Stadium.

Waxayna labada xulba soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso iyo xamaasad badan isla markaana aad u soo jiidatay dadweynihii garoonka ku sugnaa iyo bulshadaii kale ee kala socotay warbaahinta qaybaheeda kala duwan ee sida tooska ah u tabinaysay.

Waxaana qaybtii hore ee ciyaarta wakhtigii loogu talo galay lagu kala nastay ebber iyo ebber oo wax gool ah may kala dhalin labada xul ee Hawd iyo Maroodi-jeex, qaybtii labaad ee Ciyaarta markii la isugu soo noqday ayaa labada xulba waxay garoonka la yimaadeen hannaan ciyaareed farsamadiisu sarayso oo ku dhisan Weerar iyo Weerar Celis, iyada oo xulka gobolka Hawd uu keesnaday goolkoodii koobaad, halka ay wakhti dheeraadka ahaa ee lagu daray ay labaysteen xulka gobolka Hawd isla markaana ay guushu ku raacday gobolka Hawd oo ay kaga badiyeen xulka gobolka Maroodi-jeex waxayna ciyaartu ku dhamaatay laba gool iyo ebber xulka gobolka Hawd ayaa si rasmi ah ugu gudbay wareega labaad ee tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland, Xulka Gobolka Hawd ayaa la Ciyaari doona Xulka gobolka Saraar.

Geesta kale, xulalka gobollada Buuhoodle iyo Saraar oo ka wada tirsan Group A ayey galabta dhexmartay ciyaar aad u adagi Garoonka Hargaysa Stadium.

Waxayna labada xulba soo bandhigeen ciyaar wanaagsan oo aad u degan inkasta oo ay ku kala duwanaayeen xagga shaxda ciyaarta, iyada oo qaybtii hore ee ciyaarta ay ku kala nasteen afargool iyo ebber ay ku hogaaminayen xulka gobolka Buuhoodle.

weerar xoogan ay ku doonayeen goolka xulka gobolka Salel, iyagoo qaybta hore ka dhaliyey 3 Gool iyo eber. 

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii laysugu soo noqday oo ay labada xulba la soo tashadeen tababarayaashooda ayaa la gole yimid hannaan ciyaareed farsamadiisu sarayso.

Waxayna Xulka Gobolka Buuhoodle u Suuro gashay inay la Yimaadaan Goolkoodi shanaad, hasa yeeshee Xulka Gobolka Saraar ayaa la yimid goolkoodii koowaad, Waxayna Ciyaartaasi ku soo gabo gabowday 5 Gool oo ay guushu ku raacday Gobolka Buuhoodle iyo 1 Gool oo ay la yimaadeen Xulka Gobolka Saraar, Xulka gobolka Buuhoodle ayaa  la ciyaari doona xulka gobolka Maroodi-jeex.

Maalinta Beri oo Salaasa ah Waxaa wada Ciyaari doona Xulalka Saaxil iyo Daad-madheedh, halka Ciyaarta labaad ay dhex mari doonto Xulalka Sanaag iyo Xaysimo oo dhamaantoodba ka wada tirsan Group B.