Ciidanka Booliska Somaliland Ee Degmada Faraweyne Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Gaadhi Siday Maandooriye

HARGEYSA – (WARSOOR) – Maamulka degmada Farawayne ee gobolka Maroodi-jeex oo kaashanaya ciidanka Booliska ee degmada Farawayne ayaa gacanta kusoo dhigay 801 litir oo khamri ah, oo ay ka soo qabteen deegaanka waddo bariis ee degmada Farowayne.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay taliyaha saldhiga booliska ee degmada Farowayne Siciid Maxamed Maxamuud oo ka waramay khamrigaas ay soo qabteen isaga oo sheegay in Gaadhigii lagu siday khamrigaas aanay ku qaban dadkii watay, ka dib markii uu ka xumaaday Baabuurkaasi ay wateen ay iskaga tageen, waxaanu carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo isku dayda inay soo waariddo wax diinta alle xaaraantimaysay aanay ka baxsan doonin ciidanka booliska sharcigana la hokeeni doono.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Farawayne Maxamed Xasan Guuleed iyo sidoo kale xoghayaha fulinta degmada Ismaaciil Muxumed Jaamac ayaa iyaguna u mahad-celiyay ciddii ka hawl-gashay ee soo sheegtay khamrigaasi, iyga oo intaas ku daray in mukhaadaraadkaas la doonayo in lagu aafeeyo dhallintyarta iyo aqoonyahanka dalka taasna aanay yeelayn.

Waxayna farriin u direen ciddii ku hawlan mukhaadaraadka inaanay ka helayn fursad ay dalka ku geliyaan ciidanka booliska Somaliland ay heegan sae ugu jiraan sidii ay bulshada uga ilaalin lahaayeen waxyaabaha dhibaatada ku keenaya noloshooda.