Xukuumadda Somaliland oo War Cusub ka Soo Saartay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudoomiyaha xafiiska imtixaanka Qaranka Somaliland mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa shaaca ka qaaday in ardayda ku jirta fasaladda afaraad ee dugsiga sare ay geli doonaan imtixaanka, islamarkaana ay mari doonaan imtaxaan ku sar-go’an go’aanada guddida ka hortaga Karoona Fayras, ee kala fogaanta iyo af-is-xidhka.

Halka fasalada sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo faslada ka hoose ee ka bilaabma, fasalka koowaad ee dugsiga hoose dhexe ilaa fasalka saddexaad ee dugsiga sare loo qiimayn doono imtaxaanadooda, iyadoo laga qiyaas qaadanayo imtaxaanadii kal hore.

Halkan ardayda kale ee imtixaanada geli jirtay iyaga loo qiimeyn doono imtixaanadoodii, laga soo bilaabo fasalka koobaad ee dugsiga hoose dhexe ilaa laga gaadhayo fasalka saddexaad ee dugsiga sare.

Gudoomiyaha xafiiska imtixaanka Qaranka Somaliland mudane Daa’uud Axmed Faarax isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Imtixaanka waxaa la galaya 27/7/2020, waxaana imtixaankaasi laga qaadaya fasalada afraad ee dugsiyada sare, inta kale waa qiimeyn waxaba waala wada qiimeynayaa, oo labadii fasal ee ka horeeyay kan aad hada ku jirto ayaa lagu qiimeyanayaa, hadii la yidhaaho sideedaadka hala qiimeeyo waxaa la soo qaadanaya fasalkaagii todobaad, marka fasalba fasalka ka horeeya ayaa lagu qiimeyn doonaa.

Ardayda fasalada afraad waxaa ay imtixaanka galayaan 27/6/2020, iyada oo la buuxin doonpo shuruudihii guddida heer Qaran sooo saareen oo lanbarka ardayda oo la yareynayo, afsaabkii oo la qaadan doono, in la kala fogaan doono, marka sanadkani imtixaanku waa uu ka adag yahay sanadadii hore”