Xukuumadda Somaliland oo Taageertay Go’aankii Dalalka Khaliijku Ka Qaateen Qadar

Hargeysa – (warsoor) – Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn oo ay kaga wadda xaajoonayeen xaalada siyaasadeed ee khaliija ka taagan, shirkan oo uu shir gudoominaayey madaxweynaha Somaliland waxaa laga soo saaray go’aan lagu taageeray go’aankii dalalka Khaliijku ka qaateen dawladda Qadar.

Halkan ka akhriso go’aanka ay xukuumaddu ka soo saartay kulankoodii maanta.

Go’aan Ka Soo Baxay Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland  

Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida Gobolka, kana soo horjeeda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo deganaanshaha, isla markaana ka soo horjeeda xag-jirnimada iyo cid kasta oo taageerta xag-jirnimada.

Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tixgelinaysa cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Wadamada Khaliijka, waxa ay Golaha Wasiirradu maanta oo taariikhdu tahay 10/06/2017 isugu yimaadeen shir aan caadi ahayn, kaasi oo uu guddoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirka Golaha Wasiirradu wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasiga ah ee ka dhexeeya dalalka khaliijka iyo mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qaadanayso.

Sidaa darteed, waxa ka soo baxay Golaha Wasiirrada go’aamadan:-

  1. in Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.
  1. Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somaliland ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.
  1. Jamhuuriyadda Somaliland way u madax-bannaan tahay cirkeeda, dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad leh, 

Wasiirka Arrimaha Dibedda

Dr. Sacad Cali Shire   

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.