Xukuumadda Somaliland oo Ruqsadii kala Noqotay Dr. Cabdirisaaq Gaboobe

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaarad horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay inay ruqsadii ganacsi ee dhanka caafimaad kala noqotay Dr Cabdirisaaq Yuusuf Gaboobe, oo ka hadlay mishiinka baadhitaanka cudurka Coronavirus.

Agaasimaha guud wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa daboolka ka qaaday in ruqsadii ganacsi ee dhanka caafimaadka ay kala noqdeen, Dr Cabdirisaaq Yuusuf Gaboobe, waxaanu xusay in ay ugudbin doonaan hay’addaha ku shaqada leh, waxaanu bulshada ugu baaqay in aan wax adeeg bixin caafimaada loo doonan dhakhtarkaasi.

Agaasimaha guud wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan uga xumahay qof ka ganacsanaya waddanka, oo liisan ka helay wasaaradda caafimaadku weliba waxaa uu ibinayaa aanay aheyn wax adduunyadu ay isku raacsan tahay oo waxtara in uu maanta duro, mashiinkii caafimaadka ee waddanka lagu maamulayay oo dhan ninkaasi maanta laga bilaabo waxaa ay wasaaradda caafimaadku kala noqotay ruqsadii ay siisay ee uu ku shaqeysanayay, ee aheyd ogolaanshiyaha inuu ka shaqeyn karro Somaliland.

Wasaaradda caafimaadku waa ay kala noqotay waxaananu u gudbineyna hay’adda ku shaqada leh, in aanu ka shaqeyn karrin qof caynkaasi oo kale ahi Qaranka Somaliland, oo dadka aanu adeeg u doonaan karin, iyada oo uu shaki weyni ka jiro waxaa uu gacanta ku hayo”