Guddiga Qaran ee ka hortagga COVID-19 oo Agab loogu talagalay xakameynta Coronavirus ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

MUQDISHO – (WARSOOR) – Agabkaan maanta ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  guddiga qaran ee wacyigelinta ka hortagga xanuunka Covid-19 ayaa waxaa uu isugu jiray maaskarooyinka  afka iyo sanka lagu xirto iyo kuwa kale oo loogu talagalay in dadka lagu gaarsiiyo farriimaha ku saabsan halista uu leeyahay cudurka karoona fayris.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaran ee wacyigelinta Xanuunka COVID-19 ayaa sheegay in qalabkaan ay ugu talagaleen in looga hortago xanuunka,waxaana Taliska Ciidanka Asluubta uu kula taliyay in ay sameeyaan taxadar dheeraad ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in agabkaan ay guddigu ugu talagaleen in ay kaga jawaabaan baahiyaha Ciidanka Asluubta,isagoo u rejeeyay Taliska in ay ku dadaalaan sidii loo ilaali lahaa badqabka maxaabiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  ayaa tilmaamay in qalabkaan uu kaalin weyn ka qaadanayo ilaalinta xaaladda caafimaad ee maxaabiista,isagoo uga mahadceliyay agabkaan ay gaarsiiyeen guddiga Qaran ee Ka hortagga xanuunka.

Talaabadaan ayaa  qeyb ka ah qorshaha Dowladda Soomaaliya ay ku xakameyneyso xanuunka Coronavirus,iyadoo guddiga Qaran ee ka hortagga xanuunka Coronavirus qalab kan la mid ah ka qeybiyeen goobo kale oo muhiim ah, si loo ilaaliyo badqabka Caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS ahna guddoomiyaha guddiga wacyi galinta Covid19 mudane Maxamed Cbadi Xayir Maareeye  oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa agab looga hortago faafitaanka cudurka  covid 19 ku wareejiyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

XIGASHO: SONNA