Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka maaliyadda iyo guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland ayaa maanta si wadda jir ah shir jaraa’id u qabtay waxaanay soo bandhigeen qorshe ay xukuumaddu Somaliland doonayso inay mar kale isku daydo inay hoos u dhigto lacagta sarif bararka dalka ka jira.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland iyo Gudoomiyaha baanka ayaa si wadda jir ah u sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay inay sarif bararka hoos u dhigto, waxaanay shirkadda iyo shacabka ugu baaqeen inay kala qayb-qaataan qorshan.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi ayaa ugu baaqday ganacsatadda inay bulshadooda u tudhaan oo aanay sicirka ku kulaynin bulshadda, waxaanay uga dhigteen inay ka faa’iidaystaan dhibaatadda shacabka haysata.
Halkan ka daawo shirk jaraa’id ee wasiiradda Maaliyadda Somalilland:
This post is also available in:
Somali