Xukuumada, xisbiyada Qaranka iyo Ururka Haweenka Ganacsatada Somaliland oo ka qeybgalay soo dhoweynta Aamina Xirsi Mooge

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer-Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa Jimcihii si balaadhan ugu soo dhoweysay madaarka caalamiga ee Cigaal Marwo Aamina Xirsi Mooge, oo booqasho ku timi dalka.

Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah haweenay maalqabeen ah u dhalatay Somaliland, isla markaana degan wadanka Ugandha, oo caan ah dhamaan Qaarada Afrika, oo qabanqaabada soo dhoweynteeda ay lahaayeen masuuliyiinta ururka haweenka Ganacsatada Somaliland (SOWEA) ayey ka soo qeybgaleen Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciro, Wasiir-xigeenka Warfaafinta Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda Axmed Adan Ismaaciil (Keyse),  Safiirka Somaliland ee dalka Sweden marwo Rooda Jaamaca Cilmi, Gudoomiyaha Wakaalada Qurba-jooga, Cabdi Cabdillahi iyo Maareeyaha shirkada Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Ducaale iyo dadweyne kaloo farabadan.

nnn

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo soo dhaweynta loo sameeyay Aamina Xirsi Mooge ka hadashay ayaa tidhi “Aamina Xirsi Mooge oo ka timid dalkeedii Ugandha, timidna dalkeedii Somaliland oo ay labadaba ka dhaxayso oo xidhiidh weyn oo ganacsi ka sameysay, waxaan leenahay Aaminay waanu kugu faaneynaa, ee ku soo dhawoow dalkaagii kowaad.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay munasibada soo dhoweynta ayaa faahfaahin ka bixiyey  shakhsiyhadda Aamina Xirsi Mooge, kaalinta ay ugu suntan tahay qarankeena iyo sida ay xisbi  ahaan u soo  dhaweynayaan waxa uu yidhi “Aamina waxay ka mid tahay dad badan oo asal ahaan ka soo jeeda reer Somaliland oo haddii aynu ka faa’iidaysan lahayn wax badan inoo qaban lahayd. Aamina waxaa iigu horaysay 2004-kii oo aan dan qaran u tagay dalka Yugandha, halkaasi oo aan ugu tegay Aamina oo ii suurtogalisay  dantii aan ka lahaa dalka Yugaandha, haddana 2007-kii ayaan annaggoo wefti heer qarana ugu tagnay Yugandha, waxayna markaasi noo fududeysay wixii Dowladda Ugandha aanu ka rabnay iyadoo na xidhiidheysay dalka Ruwanda isla markaasina naga qaabishey tigidhadii aanu ku tagnay, sidaasan marnaba uu ilaawi Karin Aamina Xirsi.”

soo_dhawayntii_aamin

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka Marwo Shukri Xariir Ismaaciil,  oo  Aamina Xirsi Mooge ku majeeratay ganacsato horuamr ka sameysay mandaqadda Geeska Afrika waxaanay tidhi  “guud ahaan xildhibaano, wasiiro, madaxda qaranka, ganacsato, axsaabta dhamaantayo waxaanu u taaganahay in aanu soo dhaweyno Aamina Xiris Mooge  oo ka mid muwaadiniinta qaaliga ah ee reer Somaliland, ahna ganacsato reer Ugandha ah oo caalamka odhan laga yaqaan ganacsigeeda, waxaanu aamminsannahay inay wax badan u qabatay una qaban karto dalkeeda, marka la eego xidhiidhka caalamiga ah ee aqoonsi raadinta iyo ganacsigaba aad baan u soo dhaweynayaa, Aamina ku soo dhawoow dalkaaga Hooyo.”

Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah Mudane Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Keyse) oo hadal kooban ka jeediyay soo dhaweyntaasi waxaa uu yidhi “annagga wasaarad ahaan farxad weyn bay noo tahay iyo fursad, Aamina waxaanu ka filaynaa inay bog cusub iyo xidhiidh fiican noo sameyn doonto anaga oo doonayna  inaanu ku fidno safiirada gebi ahaanba Geeska Afrika, oo markaa Aamina intay joogto wax badan nala qaban doonto Insha Allah.”

Gebagebadii, Marwo Aamina Xirsi Mooge oo mahadcelin balaadhan ka celisay sida qiimaha leh ee loogu soo dhoweeyey dalkeeda ayaa tidhi, “Maanta waa maalin weyn waana maalintii iigu horeysay oo aan imaado dalkayga Hooyo, waan idiinka mahad celinayaa sida aad ii soo dhaweyseen, aad baan ugu riyaaqay ugana mahadcelinaayaa, Dowlad, wasiiro, madaxweynaha, axsaabta, ganacsatadda idinka ayaa keenay heerkan, qaybna waad ka tihiin magacayga Ganacsigaygaba oo warbaahinta gaar ahaan websiteska aad bay ugu faahfaahiyan oo wax wacan bay ka gudbiyaan, marnaba ma ilaawi doono sidaad qaran ahaan iigu soo dhaweyseen dalkayga waan xusuusnaan doona wax badan waan damacsanahay inan ka qabto dalkaygii waana ka qiiroodey sidaad ii maamusteen,”

Ugu dambayna haweenaydan maalqabeenka ah Marwo  Aamina Xirsi Mooge ayaa sheegtay inay kulamo la qaadan doonto madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilanyom ganacsatada reer Somaliland iyo goleyaasha qaran ee kaleba iyo guud ahaan shucuubta reer Somaliland.

 Wariye

Maxamud Walaaleeye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.