Xukuumada Somaliland Oo Amaro Adag Dul Dhigtay Ganacsatda Dalka & Fariimo Loo Diray Laamaha Amaanka

Hargeysa – (warsoor) – Amar ka soo baxay xukuumadda Somaliland ayaa digniin loogu diray ganacsatadda Somaliland ee bilaabay inay ummadda shacabka ah ku qaali gareeyey cuntadda quutal daruuga ahi.

Amarkay ay soo saartay xukuumadda Somaliland ayaa yimid, xili ay shacabku bilaabeen inay iibsadaan cuntooyin kayd ah iyagoo ka cabsi qaba inay cunti yari timaado.

Wasiirka

Wasiirka arimaha guddaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay shir ay xukuumaddu la gashay ganacsatadda kala duwan ee keena cuntooyinka, daawooyinka, qalabka dhismayaasha ayaa sheegay in dalka aanay ka jirin cunto yaraan iyo daawo yaraantooda.