Madaxweyne Trump oo u Bixiyey Coronovirus, Fayruska Shiinaha

Maraykanka – (warsoor) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo shir jaarid ku qabtay aqalka cad ayaa ka hadlay caabuqa Coronovirus.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in cudurka Coronovirus uu u bixiyey Fayraska Shiinaha (Chinis-virus), waxaanu ku difaacay eray bixintiisan in caabuqani dunida uga yimid, dhinaca Shiinaha.

Saaxafadda Maraykanka ayaa isku dayday in ay ku qanciso Trump in xanuunkani ahayn mid Shiinaha lagu cunsuriyeyn karo.

Trump ayaa ku doodey inuu dadkiisa iyo dalkiisa jecel yahay sidaasi ay waajib ka dhigeyso inuu difaaco, xanuunkan Shiinuhu u soo dirayna uu ka guuleysan doono.