Xoolaha Nool ee Somaliland oo Xayiraadii Laga Qaaday July 2017

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee JSL Md Cabdilaahi Maxamed daahir Cukuse ayaa maanta ku dhawaaqay in Xoolaha Nool ee Somaliland laga qaaday xayiraadii saarnayd, dhowaana ay Dekeda Berbera ka dhoofi doonaan xoolo aad u faro badan.

Wasiirka ayaa soo kormeeray suuqa sayladda xoolaha ee magaaladda Hargeysa, waxaanu u kuur-galay dhaqdhaqaaqa suqaasi, wasiiirka ayaa intaasi ka dib qabtay shir jaraa’id oo uu ku shaacinaayey xayiraada xoolaha laga qaaday iyo suuqyo kale oo ay rajaynayaa in dhawaan xoolaha Somaliland loo iib-gayn doono.

Halkan ka daawo warka Xayiraad ka qaadida Xoolaha Somaliland:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.