Xisbiyada Mucaaridka Oo Aqbalay Go’aamadii Guddida Dhex Dhexaadinta

Hargeysa – (warsoor) – Xisbiyadda mucaaridka ee WADDANI iyo UCID ayaa ku dhawaaqay inay aqbaleen go’aankii ay soo jeediyeen guddidii iskeed isku magacowday ee dhexdexaadinaysay khilaafkii madaxweynaha iyo xisbigadda mucaaridka soo kala dhex galay.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo ku hadlaayey afka xisbiyadda mucaaridka ah ayaa sheegay in ay aqbaleen go’aankii ay soo jeediyeen guddiidii dhexdhexaadinta ee khilaafkii ka dhashay magacaabistii xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka.

Guddida ayaa go’aan ay soo saareen ku sheegay in ay khilaafkii ku xaliyeen in la kala diro xubnihii komishanka cusub ee la soo magacaabay, lana soo celiyo xubnihii komishankii hore ee la kala diray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.