Xisbiga WADDANI oo Xaflad Ku Qaabilay Taageerayaal Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo

BURCO – (warsoor) – Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhaweynaayey siyaasiyiin, wax-garad, aqoonyahan iyo weli ba taageerayaal baaxad weyn oo ka soo jeeda beesha Aadan Madoobe(Habar-jeclo), kana soo diga rogtay Xisbiga KULMIYE, ayaa xalay lagu qabtay hotel New Burco ee magaalada Burco.

Xafladdan oo ay ka soo qeyb-galeen Murashaxa Madaxweynaha WADDANi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibbaan Qabile, xubno ka tirsan hoggaanada, guddiyada fulinta, garabada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba sida oo kale wax-garadka iyo taageerayaasha ku soo biiray Xisbigaasi.

Qaar ka mid ah taageerayaashii halkaas lagu soo dhaweyeye oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI iyaga oo cod dheer ku muujiyey in aanay marnaba u xidhneyn Xisbi KULMIYE isla mar ahaantaana ay horseed u yihiin in ay dhisaan Murashaxa ugu habboon ee hoggaamin kara talada dalka Somaliland, waxaana ay sida oo kale ay aad u dhaliileen hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen in hada taladiisu ay tahay mid aan la bar bar socon Karin.

“Waxa farxad noo ah in aanu caawa ku soo biirnay Xisbiga WADDANI oo aanu runtii muddo naawileynay, anagu marnaba uma xidhnin Xisbi gaara oo KULMIYE la yidhaahdo, waxa aanu dooneynaa oo aanu caawa(xalay) halkan u joognaa siddii aanu u dhisi lahayn Murashaxa ugu habboon ee ina hoggaamin kara sanadkan, anaga oo aaminsan in Cirro yahay in degan oo dadka isku wadi kara, KULMIYE na runtii hoggaankaa ka xumaaday, raga xisbigaas hor kacayaa maaha rag lagu aamini karo talada dalka Somaliland.”.Ayey yidhaahdeen Taageerayaashii ku soo biiray Xisbigaasi.

Xildhibbaan Sicii Cilmi Rooble, Xildhibbaan Qabile, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga, xubno ka mid ah guddiyada fulinta, garabbada haweenka heer qaran iyo heer gobal, garabka dhallinyarta heer gobal iyo weli ba madaxda heer gobal oo iyagu na dhammaantood halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u sheegay in ay caawa tahay habeen taariikhi ah oo ay carabka ku dhufteen in Xisbiga WADDANI uu guushii helay mar haddii ay si toos ah u soo taageereen wax-garadka iyo labeenta ka soo jeeda beesha Aadan Madoobe ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Siilaanyo.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u amaanay beesha Aadan Madoobe oo uu sheegay in ay tahay beel leh xadaarad guun ah oo dhinaca siyaasadda ah isla mar ahaantaana uu uga mahad-celinaayo in ay maanta jabiyeen dabarkii KULMIYE iyaga oo u soo ban-baxay dhisidda Murashaxa ugu habboon talada dalka Somaliland.

“Waan ku faraxsanahay in maanta in beeshii Aadan Maxamed(Aadan Madoobe) ay ku soo biirtay Xisbiga WADDANI, macnaha iyo dulucda ay soo tebinayso xafladdana waxa uu yahay in aanay odhanin xisbi KULMIYE la yidhaahdo ayaanu lahayn ama Siilaanyo ayaanu isku qolo ahayn ee ay yidhaahdene dantii qaranka maanta waax aanu u aragnaa Madaxweynaha sharaxan ee WADDANI, waxaana ay muujinaysaa xadaaradda, aqoonta iyo ilbixnimada ay ku lee yihiin siyaasadda. Beesha Aadan Madoobe na waxa ay dooneysaa in ay dhisto Murashaxa Madaxweynaha WADDANI maadaama ay hore u soo dhistay Siilaanyo, keliya dhisistaankoodu kumuu eekeyn Siilaanyo ee waxa ay doonayaan in ay hoggaamiyeyaal cusub ay dalka u soo saaraan oo u dooraan midka wanaagsan.”.Hoggaamiye Xirsi

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- “Xafladdani waxa ay xafladahii hore kaga duwan tahay waxa ay ahaayeen xafladahaasi kuwo Xisbigu dadka martiqaado laakiin xalfaddan caawa beesha Aadan Madoobe iyagaa sameystay oo na marti qaadey, waxaana ay ila tahay taariikh cusub baad qorteen runtii oo ah in aad bilowdeen midnimada Somaliland oo ka guuri karno beelnimada iyo qolonimada, waanan u mahad-naqyaa dhallinyarada, haweenka iyo waayeelka soo qaban-qaabiyey munaasibaddan. Odey halkan ka hadlay waxa uu yidhi Madaxweyne Siilaanyo waxba kamuu qaban deegaanada aanu degno, se waxa aan lee yahay aniga waxa ay ila tahay in arrintaasi ay tahay xaal gobeed oo Madaxweynahu wuu ka xishooday in uu deegaankiisa wax ka qabto laakiin waxa aanu balan-qaadeynaa in WADDANI uu wax badan ka qaban doono haddii Alle ka dhigo.”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.