Guddoomiye Cirro oo Kulan La Qaatey Hoggaanada Dhallinyarada Xisbigaasi ee Goballada Sool, Sanaag iyo Togdheer

Burco – (warsoor) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa kulan dar-der-gelin ah oo ku saabsan ololaha doorashada ee Xisbigaasi la yeeshay hoggaanada dhallinyarada ee goballada Togdheer, Sanaag iyo weli ba sida oo kale Sool.

Kulankan oo ka dhacay hotel Golis ee Burco, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, hoggaamiyaha Xisbigaasi, madaxda heer gobal, haween iyo dhallinyaro, waxaana kulankaasi si weyn looggu falan-qeeyey arrimo dhowro oo ku saabsan Xisbiga WADDANI iyo doorka ay dhallinyartaasi uga qeyb-qaadan lahaayeen sida oo kale nu xambaari lahaayeen fariimaha Xisbiga ee ku aadan goballadaasi.

Dr.Ridwaan oo ah khabiir dhinaca siyaasadda iyo xidhiidhada caalamka ah sida oo kale na ah sarkaal sare oo Xisbiga kala taliya dhinaca ololaha Doorashada, ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI uu maanta maraayo marxaladdii ugu fiicneyd oo uu sheegay in ay dhinaca ololaha kaga awood sareeyaan Xisbiga KULMIYE balse loo baahan yahay siddii loo sii laban laabi lahaa isla mar ahaantaana ay ka soo qeyb-galeyaasha kulankana u xambaari lahaayeen fariimaha Xisbigaasi ee ku aadan goballada Togdheer, Sanaag iyo Sool.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo halkaas ugu dambeyn ka hadlay, ayaa si weyn u dhiiri-geliyey dhallinayarada, waxaana uu sheegay in ay ka xisbi ahaan si weyn u daneynayaan in dhallinyaradu ay mar walba hormuud ka noqoto hawlaha kala duwan ee Xisbi isaga oo ku booriyey in fariimaha ay halkan ka qaadaana ay si fiican uga faa’ideeyaan isla jeerkaas na u gaadhsiiyaan dadka ku dhaqan deegaanaddaasi.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.