Hargeysa – (warsoor) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee xisbiga WADDANI maanta oo Jimca ah ayaa lagu shaaciyey wareegto uu gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro uu khamiistii ku Magacaabay Gudoomiyaha garabka Dhalinyaradda iyo Gudoomiyaha Garabka Haweenk ee heer qaran.
War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Foosiya Keyse Faarax oo ka soo jeeda gobolka Sool loo magacaabay Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Wareegtan ayaa sidoo kale waxaa Maxamed Siddiiq Cabdillaahi (Dhamme) oo ka soo jeeda gobalka Saaxil loo magacaabay Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaradda ee heer qaran.
Labaddan jago ee Khamiistii uu magacaabay Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa waxaa hore loogu soo dooran jiray shirweyne loo qabto dhalinyaradda iyo haweenka midba gaarkiisa, oo tartan loo galo, goluhuna ay doortaan qofka ay u arkaan inuu ka soo bixi karo hawshaas loo igmaday.
Halkan ka akhriso wareegtaddan lagu macaabay labadan masuul:
This post is also available in:
Somali