Xisbiga KULMIYE Xafiisyo Cusub ka Furtay Degmooyinka Gacan-libaax iyo Axmed Macallin Haaruun ee Bariga Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE, ayaa xafiisyo cusub ka furtay degmooyinka Gacan-libaax iyo Axmed Macallin Haaruun ee bariga magaalada Hargeysa maanta.

Xafiisyada cusub ee xisbigu ku yeeshay Degmooyinka Gacan-libaax iyo Axmed Macallin Haaruun, waxa daah-furay masuuliyiinta KULMIYE oo uu hormood u yahay Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin wehelinaysay oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Golaha Dhexe Md. Jaamac Ismaaciil Cige, madaxda heer gobol iyo degmooyinka Gacan-libaax iyo Macallin Haaruun ee xisbiga, salaadiin, siyaasiyiin, haween iyo dhallinyaro.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi oo isagu xadhigga ka jaray xafiiska guud ee noqonaya xarunta guud ee laga hagayo dhammaanba xafiisyada xisbiga KULMIYE ee degmooyinka Sabo-wanaag, Cadaadlay, Dacar-budhuq iyo goobo kale oo ku yaal bariga Hargeysa, waxa halkaasi ku soo dhaweeyey taageerayaal badan oo ka mid ah kuwa degmada Gacan-libaax.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha degmada Gacan-libaax ee xisbiga KULMIYE Axmed Yoonis Juxa oo halkaas ka hadlay, ayaa hoggaanka sare ee xisbiga ku hambalyeeyey sida ay ugu hagar-baxsan yihiin hawlaha xisbiga, gaar ahaan muhiimada ay siinayaan deegaannada Bariga caasimadda, waxaannu bulshada ku dhaqan degmadaasi ku dhiirrigeliyey inay si mug leh oo midho-dhal ah arrimaha xisbiga ugu hagaan xarunta cusub ee loo daah-furay.

Ibraahim Cabdi Cali oo isagu ah Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee degmada Axmed Macallin Haaruun Mr. Cabdikariin Yuusuf Obolos oo magaca dhallinyarada ku hadlayey, Ruqiya Xasan, Abwaan Cabdi Axmed iyo Cali Xuseen oo isagu ah sarkaal ka tirsan xisbiga KULMIYE oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si farxad leh u soo dhaweeyey xarunta guud ee laga maamuli doono arrimaha bariga ee xisbiga KULMIYE, waxaanay caddeeyeen inay isku duba-ridka hawlaha xisbiga iyo dardargelinta dhammaanba tallooyinka loogu diyaargaroobayo doorashooyinka qayb libaax leh ka qaadan doonaan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo weliba Wasaaradda Kalluumaysiga Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo isaguna hadallo kooban ka jeediyey xafladdaasi, ayaa dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Gacan-libaax iyo Axmed Macallin Haaruun kula dardaarmay inay muujiyaan taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE, isla markaana si mug leh ugu diyaargaroobaan qaadashada kaadhadhka codbixinta oo la filayo in kadib bisha Barkaysan ee Ramadaan laga bilaabo Gobolka Maroodi-jeex.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ayaa isaguna dardaaran u jeediyey shacabka deegaannada Bariga caasimadda ku dhaqan, waxana uu ku adkeeyey inay xarunta loo furay tahay mid iyaga loogu talogalay oo ay si furan arrimaha xisbiga ugu gorfeeyaan shacabka halkaas ku dhaqani.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa u mahadnaqay dadweynaha guud ahaan ku dhaqan deegaannada Bariga Hargeysa ee sida gaarka ah u taageera xisbiga KULMIYE, waxaannu ugu baaqay inay xafiisyada loo furay uga faa’iideeyaan dardargelinta iyo isku xidhka taageerayaasha xisbiga.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa taageerayaasha xisbiga ee madasha ku soo dhaweeyey si weyn ugu mahadnaqay, waxaannu tilmaamay inay muhiimad gaar ah iska saaraan sidii xafiiskan iyo kuwa kale ee maamul ahaan hoos iman doonaba u nonqon lahaayeen goobo ay taageerayaasha xisbigu ku kulmaan, isla markaana ku hirgeliyaan qorsheyaasha xisbigu leeyahay ee arrimaha doorashooyinka iyo fidinka barnaamijkiisaba.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada u sharraxay ahdaafta iyo mabaad’iida guud ee xisbiga KULMIYE leeyahay, kuwaas oo ay taageerayaashu ka midaysanyihiin, waxaannu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxa uu leeyahay tiirar iyo mabaad’i heshiis lagu wadayahay, dadkuna markay ay xisbiga gelayaan waxa ay ku heshiiyaan mabaad’ii, waxaana ka mid ah in lagu wada dhaqmo diinteena Islaamka, tiirka labaad ee KULMIYE ku heshiiska yahayna waa qaranimada Somaliland oo ah lama-taabtaan oo hadal iyo gorgortan ma gasho, in laga midho dhaliyo oo adduunka ictiraaf looga helaana waa hiigsigeena labaad ee aynu heshiiska ku nahay, ta afraad waa in dalka lagu maamulo sharci, caddaalad waxa la gaadhi karaa in wixii dadku ku heshiiyey ee sharci ah iyo in wixii diintu ina fartay in aynu ku dadaalno boqolkiiba 100% in aynu hirgelino. Waxa inoo yaal dhibaatooyinka ina haysta in aynu la dagaalno, dhibaatooyinka oo ah kuwo bulsho, qaar cimileed, maamul, dhaqaale.”

“Sida aynu waxaas u gaadhaynaana waa is aaminaad, isku kalsooni, wax wada qabasho iyo hawl, dadkuna haddii aanay hawlgelin oo aanay muruq iyo maskax hawlgelinin meel ma gaadhayaan, waana wax kale oo aynu ku shuraakoobayno haddii aynu xisbiga KULMIYE nahay,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxa kaloo Guddoomiyuhu muujiyey inuu xisbiga KULMIYE yahay ruug-caddaa siyaasadda ku gaamuray oo waayo-aragnimo badan dheer axsaabta kale ee la tartamaysa, isla markaana uu diyaar u yahay inuu galo doorasho xalaal ah oo ay ka madhan tahay cay iyo aflagaado, “Haddaynu KULMYE nahay waxaynu ogolnahay tartan xalaal ah, xisbiyada qaranka ee aynu tartamayno waxaynu ka ogolnahay tartan xalaal ah oo heer qaran ah oo aynu ku doodayno dalka waxaas ayaanu u qabanaynaa iyo waxaas ayaanu u qabanaynaa, KULMIYE waxa innaga reebban cayda, aflagaadada iyo xisbi kale wax ka sheegga ama bulshada kaleba, waayo umaynaa furan xisbiga in aynu xisbiyada kale cayno, madaxda xisbiyada kale waynu ixtiraamaynaa oo rag wada muddo-kar ah oo xisbiyo qaran, waxaynu ku loollamaynaa tabtii iyo waddadii dalku ku horumari lahaa annagaa hayna iyo annagaa hayna, waanu ka waayo-aragsanahay oo 15-jir baanu nahay, mucaarid iyo muxaafidba waanu soo marnay, hawlo badan oo ka horreeyeyna waanu soo marnay, dhibaatooyinkii aynu soo marnay waanu ka baydhaynaa, laakiin ninka cusubi dhibaatooyinkii aannu soo marnay buu ku dhacayaa iminka ileyn waayo-arag maahee,” ayuu yidhi Murrashax Muuse Biixi.

Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa isna si rasmi ah xadhiga uga jaray xafiisyo cusub oo uu xisbigu ka furtay xaafadaha Halleeya iyo Burcada yar ee bariga Hargeysa oo hoos taga degmada Axmed Macallin Haaruun, waxaana goobahas ku soo dhaweeyey taageerayaasha xisbiga ee xaafadaas ku dhaqan oo uu hadallo dardaaran iyo dhiirrigelin ah u jeediyey.

Xafiisyada cusub ee uu xisbiga KULMIYE ka furanayo caasimadda Hargeysa iyo deegaannada hoos yimaadda, ayaa ka mid ah tallaabooyinka uu xisbigu ku dardargelinayo hawlihiisa, isla markaana ugu diyaar garoobayo doorashooyinka madaxtinimo ee soo socda, waxana xafiisyadani noqon doonaan madal ay taageerayaasha xisbigu su furan ugu kulmaan, kana helaan istaraatiijiyadaha cusub ee xisbiga.
DAAWO MUUQAALKA KHUDBADDA GUDDOOMIYAHA KULMIYE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.