Xildhibaanno Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland Oo Gaadhay Magaalada Boorama

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhibaano ka tirsan golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kormeer ku tagay xarunta gobolka Awdal ee Boorama, iyaga oo soo kormeeray xarumo kala duwan.

Sida uu ku soo waramayo wariye Cabdisalaan Bashiir Faarax (Cabdisalaan Saaha) oo wakaaladda wararka Somaliland ee Solna uga soo warama gobolka Awdal, kormeerka xildhibaannada golaha guurtida ayaa daaranaa u kuurgalka xalaadda guud ee gobolka Awdal, waxayna booqdeen Cisbitaalka guud ee magaalada Boorama waxaana warbixin ka siiyay isu duwaha Wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Mustafe Muumin Muuse oo sheegay in xarumaha caafimaadka ee gobolku ay aad u wanaagsan yihiin isla markaana la gaadhsiiyay agabkii caafimaad ee ay u baahnaayeen ee la awoodi karayay, isaga oo u mahad-celiyay mudanayaasha ka socday golaha guurtida Somaliland.

Dhinaca kale, waxay soo kormeereen xarunta shirkadda biyaha Shaaba ee waraabisa bulshada ku dhaqan magaalada Boorama halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Aadan Maxamuud Hoorri oo ka tirsan  mas’uuliyiinta shirkaddaas, isaga oo uga mahad-naqay xildhibaannada kormeerka ay ugu tageen tilmaamayna muhiimadda uu leeyahay si loo xaqiijiyo baahiyaha dhanka biyaha ee bulshada gobolkaasi.

Gebogebadii, waxa ujeeddada socdaalkooga ka warramay xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud Jirde oo ka mid ah golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo sheegay in ujeedada socdaalkoogu uu ahaa inay soo kormeeraan xaaladda guud ee nabadgelyo ee gobolka Awdal iyo sidoo kale sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dhinacyada caafimaadka iyo biyaha ee gobolka, waxaana uu sheegay inay indhahooda ku soo arkeen bulshaduna ay u sheegtay wixii horumar iyo caqabad ah ee ka jirray gobolkaas.