Wasiirka Caafimaadka Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Safar Shaqo Ku Tagay Gobolka Hawd

Hargeysa – (warsoor) -Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Balli-gubadle ee Xaaruunta gobolka Hawd.

Waxaana Wasiirka safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo saraakiil katirsan Wasaaradda Caafimaadka, wuxuuna wasiirku xarun Caafimaad ka dhagax dhigay deegaanka Garabka, taas oo isla maanta dhismaheeda la bilaabay,  sidoo kale, wasiirka ayaa cusbitaalka guud ee magaalada Balli-gubadle ka dhagax dhigay qaybo cusub oo lagu ballaadhinayo cusbitaalkaasi.

Cumar Cali Cabdilaahi wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo weftigiisa ayaa sidoo kale soo kormeeray xarunta caafimaadka deegaanka Gumburaha oo dhamaad ku dhow.

Wasiirka ayaa safarkiisan shaqo kuwada mari doona dhammaan gobollada dalka, isla markaana gobollada laga wada fulin doono mashaariic horumarineed oo laga maalgalinayo miisaaniyad sannadeedka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland.