Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland Ayaa Maanta Ansixiyay Mas’uuliyiin Kala Duwan Oo Golahaasi La Hor Keenay

Hargeysa – (warsor)  – Fadhigii maanta ee golaha wakiillada Somaliland oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha golahaasi mudane Baashe Maxamed Faarax, iyada oo fadhigaasi ay soo xaadireen 43 mudane ayaa xildhibaannada golahaasi waxay meel mariyeen mas’uuliyiinta kala ah; wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland, Saleebaan Warsame Guuleed, waxaana ogolaaday 42 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay ma jirin, guddoomiyuhna muu codeyn.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta jidadka Maxamed Maxamuud Cabdi, waxa isna ogolaaday 42 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay ma jirin, guddoomiyuhna ma codeyn.

Sidoo kale isla fadhigaas waxa lagu ansixiyay laba xubnood oo ka tirsan guddida hay’adda shaqaalaha dawladda kuwaas oo kala ahaa, Faysal Sahal Jaamac iyo Cumar Cabdilaahi Ciise, oo ay ogolaadeen 42 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay may jirin, guddoomiyuhna muu codeyn.

 Golaha wakiilladu waxay cod aqlabiyad ah sidaas ugu meel mariyeen dhammaan mas’uuliyiintaasi la horkeenay, kuwaas oo xeerku siinayo in ay waajibaadkooda sharci ka gutaan.