Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobollada Waqooyi

Muqdisho (SONNA)- Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xarunta kumeel gaarka ah ee Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxey Maalintii Afaraad oo xiriir ah Maanta kulan ku yeesheen, iyagoo ka doodayay Xeerarka doorashada oo ay u soo gudbiyeen Guddiga soo diyaarinta Xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka

Muqdisho – (warsoor) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobolada Waqooyi.

167 Xildhibaan ayaa ogolaaday xeerkaan, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay, wax diiday ma jirto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in xeerkaan uu ansax yahay,isaga oo u mahad celiyay Xildhibaannada.

Xigasho: Sonna