Xildhibaanada laga soo doortay Gobolka Saaxil Oo Kormeeray Berbera

Berbera – (WARSOOR) – Waaxa Maalintii saddexaad kormeer ku jooga Magaalada Berbera Xildhibaanada laga soo doortay Gobolka Saaxil, iyaga oo maanta sii wata waajibaadkii shaqo ee ay u joogeen Gobolka waxay kulamo la qaateen Masuuliyiinta ay ka midka yihiin:-

  1. Maareeyaha Wakaalada Haamaha Shidaalka
  2. Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera,
    sidoo kale waxay kulan Dadweyne oo is xog-waraysi ah la yeesheen Dadweynaha degan Magaalada Berbera, kulankan oo ahaa dar-daaran, hoga tusaalayn iyo in ay si wadda jir ah uga wadda shaqeeyaan Baahiyaha Gobolka Saaxil, iyadda oo maalmaha soo socda ay ku sugnaan doonaan Deegaanada Gobolka Saaxil. Siina wadi doonaan Kulamada ay la leeyihiin Masuuliyiinta iyo Bulshada gobolka Saaxil.