Xiddiga Riyad Mahrez oo la weydiiyey kooxda uu filayo inay horyaalka kula tartami doonto

Xiddiga Riyad Mahrez oo la hadlayay telefishanka kooxdiisa ee City TV, ayaa la weydiiyey kooxda uu filayo inay horyaalka kula tartami doonto, waxaanu yidhi: β€œXilli-ciyaareedkan, Arsenal ayaa aad u fiican. Sidoo kale, lixda kooxood ee sareba way wanaagsan yihiin. Xataa Liverpool inkasta oo ay waqtigan fog tahay, haddana way soo gaadhi karaan halkaas dhamaadka xilli ciyaareedka. Dhamaan lixda sare [Arsenal, City, Tottenham, Newcastle, Man United & Chelsea] iyo Liverpool ayaa ku tartamaya horyaalka.”