Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Marcus Rashford oo isku Qoray Taariikhda kooxda

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Marcus Rashford ayaa xalay isku qoray Taariikhda kooxda Manchester United ee horyaalka Premier League.

Waxa uu ahaa goolkiisii 100-aad ee uu Marucs Rashford u dhaliyo Kooxda Manchester United tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horreeyey naadiga.

Sidoo kale waxa uu Rashford sidaas ku noqday ciyaaryahankii 22-aad ee kooxda Manchester United u dhaliya 100 gool, waxaana xiddigii ugu horreeyey ee rikoorkaas gaadhay tan iyo Wayne Rooney oo sidaas oo kale sameeyay sanadkii 2009.