Xiddig Muhiim U Real Madrid Oo Dhaawac Soo aadhay Miyuu Seegayaa Kulanka Liverpool

Xiddiga Khadka Dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Fede Valverde ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawacmay waliba seegay tababarka kooxdiisa ee sabab la xidhiidha dhaawac lugta ka soo gaadhay.

Xiddigaha Real Madrid ee aan aadin waajibaadka xulalkooda ayaa sii wada tababarka iyo isku diyaarinta kulamada kadib fasaxa xulalka waxana ka maqnaa tababarka xiddiga Fede Valverde.

Xiddiga reer Uruguay oo dhaawacyo la dhibaatoonayay kulamadii ugu dambeeyay ayaa la sheegayaa in uu qarka u saaran yahay in uu dhaawac ku seego lugta 1-aad ee kulanka Liverpool.

Dhaawaca xiddiga iyo inta uu leegyahay ayaan ilaa haatan la xaqiijin laakiin wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu xiddigu seegi doono kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Liveprool hadii uu dhaawacu noqdo mid halis ah.