Guddida Doorashooyinka iyo saddexda Xisbi Qaran oo kala saxeexday, xeerka anshaxa Doorashooyinka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida Doorashooyinka Somaliland Iyo Saddexda Xisbi Qaran Oo Kala Saxeexday Xeerka Anshax Doorashooyinka

Guddida doorashooyinka iyo saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa maanta xeerka anshaxa doorashooyinka ku kala saxeexday Magaalada Hargeysa, kaas oo xisbiyada lagu dhaqi doono muddada doorashada lagu gudo jiro.

KDQ iyo Saddexda Xisbi Qaran ayaa Munaasibad si wanaagsan loo soo agaasimey ku kala sixiixday Xeerka Anshaxa iyo Hab-dhaqanka kaasoo dhaqan-gelintiisu ku waajibayso dhammaan dhinacyada muddada lagu jiro Doorashada Isku-sidkan ee Golayaasha Deegaanada & Wakiilada JSL.

Madashan Xeerka Anshaxa lagu kala sixiixday laguna daahfurey dhaqangelintiisa ayaa waxa soo qabanqaabisay Dallada Guud ee Bulshadda Rayidka ah ee SONSAF.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mudane Eng. Abdirashid M. Cali oo madasha ka hadlay ayaa xusey muhiimada Xeerka Anshuxu u leeyahay Doorashada Isku-sidkan, isagoo sidoo kalena u mahadceliyay Saraakiisha iyo Garyaqaanada KDQ, Masโ€™uuliyiinka Axsaabta Qaranka iyo Dallada SONSAF iyo waliba dhammaan dhinacyada kala duwan ee la shaqeeya Komishanka.

Munaasibadan oo lagu soo gabogabeeyay Hargeysa ayaa dhammaan dhinacyadii kasoo qaybgalay muujiyeen niyadsamaan iyo farxad iyagoo xusey siday uga goโ€™an tahay in gacmaha la isku qabsado hirgalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee JSL ka qabsoomi doona 31ka May 2021 Alle idamkii. Munaasibadda ayaa KDQ ku ay si rasmi ah usoo xidheen iyagoo mahadna u celiyey cid kastoo qabanqaabadeeda kasoo qaybqaadatay oo ay ugu horeyso SONSAF.