Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya oo gaadhay magaalada Hague dalka Holland

Holland – (warsoor) – Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa soo gaaray dalka Holland, halkaas oo lagu wado in maalinta berri ay ka furanto dacwadda la xiriirta  xadgudubka Kenya ee badda Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha oo Warbaahinta Qaranka kula hadlayey garoonka Schipol Airport, wuxuu sheegay in kulanka lagu wado in maalinta berri ah [19/09/2016] ka dhici doono Maxkamadda Caalamiga ah ee [Hague] uu ku saabsan yahay dhageysiga is-hortaaga Kenya ee ku aadan  sii socoshada dacwadda, wuxuuna intaasi raaciyey in kulanka berri bilowda uu socon doono muddo saddex cisho ah, lana soo gabagabeyn doono maalinta Khamiista ah.

xeer_ilaaliyaha_soomaaliya

“Dulucda Dacwadda weli lama gaarin, kulanka berri Maxkamaddu waxeey ku dhageysaneysaa dooda Kenya ay ku hor istaageyso in Dacwadu sii socoto & dowladda Soomaaliya oo sheegtay  in aysan dooneyn in ay wax wadahadalo ah kala gasho Kenya arrintaas” Ayuu yidhi Dr. Axmed Cali Daahir, wuxuuna intaasi raaciyey in dowladda Soomaaliya dhinaceeda ay u dhammeystirtay wufuudii ka qeybgaleysa kulamadaasi dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin.

“Garyaqaanka Kenya ayaa maalinta berri hadalo ka jeedinaya Maxkamadda, annagu maalinta Talaaddada ah ayaanu ka hadli doonaa, waxaanna 100% rajo wanaagsan ka qabnaa in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto dacwadda, waana sidaa sida saxda ah marka laga eego sida sharciga caalamiga ah uu dhigayo” Ayuu yidhi Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Xeer Ilaaliye Dr. Axmed Cali wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka soo qaadin dooda Kenya ee ku saabsan in arrintaasi ay kala hadlayaan Dowladda Soomaaliya.

“Kenya waxeey tiri muranka badda waxaa ka  wadahadlaya Kenya & Soomaaliya, looma baahna in Maxkamadda caalamigu soo farageliso, Dowladda Soomaaliyana arrintaasi gaashaanka ayeey u daruurtay,  maadaama kulamo badan oo labadda dal horay u dhexmartay lagu guuleysan waayey” Ayuu yidhi Xeer Ilaaliyaha Qaranka, wuxuuna intaasi raaciyey in wefdigiisa ay maanta gelinta dambe & caawa ku soo biiri doonaan xubno kale oo ka kala socda Dowladda, ururada bulshada & aqoonyahanno.

Xigasho: Sonna

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.