Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka kulan Kula yeeshay Taliyaha qaybta, Taliyayaasha Saldhigyada, Baadhayaasha Saldhigyada ee G.Maroodi jeex. Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee qaranka JSL

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka JSl. Md, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Iyo qaar Ka mid ah Ku xigeenada xeer ilaaliyaha guud , oo saaka kulan Kula yeeshay Taliyaha qaybta, Taliyayaasha Saldhigyada, Baadhayaasha Saldhigyada ee G.Maroodi jeex. Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee qaranka JSl.

Kulankan ayaa daarnaa. Adkaynta baadhista dacwadaha iyo ka caddaalad falidooda.

Sidaynu wada ognahay, Baadhayaasha Saldhigyadu, waxay u badan yihiin dhalin yaro, muddo kooban boosliska ahaa balse aqoon fiican leh , tahayna in ay helaan tabobaro badan oo dheeraad ah xagga adkaynta baadhista.

Waxaa muhiim ah Baadhuhu, in uu ogaado xilka uu qaranka u hayo oo ah in uu ilaalinaayo diintiisa, dhaqankiisa,Asluubtiisa iyo xeerarka wadankiisa dadkana uu ula dhaqmo si sharaf leh, isagoo ilaalinaaya qodobadaa sare.

Haddaba muhiimadda ugu wayn ee shirkani wuxuu ahaa.

  1. Dhammaan Taliyayaasha Saldhigyadu waa in uu Ka warhayn buuxda u yeeshaa saldhiga uu maamulayo.
  2. Madaxa baadhista ee saldhig kastaana waa in uu Ku maamulaa Baadhayaasha saldhigiisa dacwada ay baadhayaan si aanay uga qaloocan.
  3. Baadhaha, waxaa waajib Ku ah in uu ogaado kiiska loo xilsaaray in uu waajib Ka saaran yahay, Caddaaladdiisa iyo ilaalinta wakhtiga baadhistiisa, isagoo u shaqaynaaya si dhexdhexaad-nimo ah, ilaalinayana xuquuqda dhibanaha iyo eedaysanaha labadaba. Si caddaalad loo gaadho dulmina aanu uga dhicin dhinacyada uu dacwada u hayo.
  4. Baadhaha, waxaa waajib Ku ah in aanu fadhiga Ku sugin! In dhinaca dhibanuhu fadhiga ugu keenin wixii ay caddeymo hayaan ee waa in isagu raadsado xog dheeraada oo Ka caawin karta in uu si dhaba u ogaado, waxa dhacay iyo sababta keentayba, iyadoo xogtaasi noqon karta mid la qarinaayay wax badana furfuri karta.
  5. Baadhaha, waxaa waajib Ku ah in uu eedaysanaha u muujiyo dhexdhexaadnimadiisa oo aanu cabudhin si aanu eedaysanuhu ugu arag in uu cadaw Ku yahay Cid gaar ahna uu u shaqaynaaya, taasoo u sahli karta in uu eedaysanuhu si fiican wax ugu sheego taasoo u sahli karta baadhista kiiska uu gacanta Ku hayo.
  6. Baadhuhu, waa in uu dacwadda u baadhaa si niyad-sami ah oo Ka madax banaan Cid kasta oo culaya saaraysa illaahayna uu la kaashado in uu illaahay caddaaladda waafajiyo.
  7. Baadhaha,laguma khaldi Karo ,been, balan bowdyo qaawin midna.!

Qaaciido ayaa tidhaa askari kasta oo booliska ahi ma gudan Karo waajibkiisa haddii aanu haysan kalsoonida dad-waynaha uu u adeegaayo.

Xeer Ilaalinta Guud ee qaranka JSL

Madaxa Warbaahinta X.X.Guud
Ahmed Guudcadde.