“XASUUQI LABAAD AYAY RABAAN INAY MEKELE KA FULIYAAN” GEN.MOHAMED TESAMA

Itoobiya – (warsoor) – General Mohamed Tesama, oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in TPLf xasuuq labbaad oo la midda midkii May-kadra ka fullin rabbaan Mekelle, wuxuuna xusay innay warashado ka samaysteen dharka Milatariga Itoobiya iyo dharkii ciiddamada Eritrea.

“Waxay rabbaan innay dad rayida Mekelle ku xasuqaan, kaddibna ay u ekasiiyan mid ay fulliyeen ciiddamada Milatariga & Eritrea.Dadkii falalkaas fulin lahaana way diyaariyeen, ujeedadoodu waa innay taagere kaga helaan dunnida kale.”.

General Mohamee Tesama ayaa beeniyay wararka sheegaya in gaaskii 21-aad TPLF burburisay, Wuxuuna xusay in goobahaas ay isaga iyo ciiddankiiba ku sugan yihiin. Haddaladiisii waxaa kamid ahaa, “Haddi ay run sheegayaan war saxafadeed hakusoo qabtaan goobaha ay leeyihiin waxbaan ku bur-burinay iyo waan qabsanay, hakasoo baxaan war murtiyeedka ay dhuumalaysiga ku bixinayaan.”