TPLF: “ADIGRAT WAXAY XAQIIJISAY INUSAN JIRIN ALBAAB CADAWGU TIGREEGA UGA BAXO”

Itoobiya – (warsoor) – Afhayeenka ciidamada Tplf, Gebre Sadik oo warbaahintooda la hadlayay ayaa sheegay in maleshiyadii Adigrat ay dhabar jabbiyeen ciiddamadii Milatariga ee halkaas gaadhay, wuxuuna sheegay intay Adhi-hamus dagaalka kaga jireen, in Addigrat ciddamadii Milatarigee gaadhay ay guul ay ka gaadhen maleeshiyada Tigreegu.

“Adigrat waxay xaqiijisay albaab caddawgu Tigreega kasoo galo mooye innuusan jirin albaab caddawgu Tigreega uga baxo”. Ayuu yidhi Gebresadik.

Wuxuuna maleeshiyada goobaha kalee dagaalka ugu baaqay innay xaga dambe iyo dhanka bidixba ciiddamada kasoo galaan, inta ay dagaalka ku jiraan ciiddanka kale.

“Qofkasta waa innuu ka qayb qaataa, Jidadka ka xidha, dhaq-dhaaqaqa udiida, oo kuwa baxsadkana tallaabo ka qaada” ayuu yidhi Gebresadik.