Xasaradda Quddus: Waddamada caalamka oo ku baaqay in colaadda la joojiyo

Quddus – (warsoor) – Waddamada caalamka qaarkood ayaa ku baaqay in la dajiyo xasilooni darrada ka dhex aloosan Israa’iil iyo Falastiin oo faraha ka sii baxaya.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Britain waxay Israa’iil iyo Falastiin waxay ugu baaqeen iney xaaladda si dhaqsa ah u qaboojiyaan.

Xiisadda ayaa ka sii dartay habeennimadi Isniinta kaddib marki ay Falastiiniyiinta ay gantaallo ku soo tuureen magaalada qeybaha ay ka degenyihiin Israa’iiliyiinta.

Israa’iil oo jawaab uga dhigeyso gantaallada dhanka Falastiin laga soo riday waxay qaadday duqeymo dhinaca cirka ah, iyada oo duqeynta ku beegsatay saldhigyo ay kooxaha Falastiiniyiinta loo maleynayo iney gantaallada soo rideen.

Saraakiisha caafimaadka ee Falastiin waxay sheegeen 20 qof oo ay 9 carruur ah ku jiraan inay ku dhinteen duqeynta ay diyaarada Israa’iil marinka Qaza ka fuliyeen.

Militariga Israa’iilna waxay sheegeen dadka duqeynta ay ku dileen ay ku jiraan ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsan ururka Xamas ee Qaza gacanta ku haya.

Ururka Xamas ayaa horay ugu hanjabay iney qaadi doonaan weerarro ka dhan ah Israa’iil kaddib markii ay boqollaal Falastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen iska-horimaadyo masjidka Al-Aqsa ku dhex maray booliska Israa’ill iyo Falastiiniyiin masaajidka ku cibaadeysaneysay.

Ra’isal wasaaraha Israa’iil Benjamin Natanyahu wuxuu sheegay in ururka Xamaas uu soo tallaabay khadkii casaa, “Israa’iilna si adag ay uga jawaabeyso.”

Maalmihii la soo dhaafay magaalada Quddus waxaa ka dhacayey iska horimaadyadii ugu xumaa oo muddo sanada ah halkaasi ka dhaca.

Falastiiniyiinta ayaa si weyn uga carooday is-hortaagga lagu sameeyey iney galaan masaajidka seddexaad ee barakeysan ee al-Aqsaa, oo aan ka fogeyn Macbadka Mount ee ay dadka diinta Yahuudda aaminsan ay barakeystaan.

Iska horimaadyada rabshadaha wata ee dhexmaraya Booliska Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ka careysan qoysaska laga rarayo qayba ka mid ah Bariga Quddus oo la rabo in deegaameyn looga sameeyo dad Yuhuud ah.

Hay’adda bisha cas ee Falastiin saaka oo talaada ah waxay sheegtay in rabshadihii laamaha ammaanka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta maalmihii la soo dhaafay ku dhex marayey Quddus iyo Daanta galbeed iney ku dhaawacmeen dad Falastiiniyiin ah oo ka badan 700.

Beesha caalamka sidey uga falcelisay?

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken wuxuu sheegay in ururka Xamas looga fadhiyo iney joojiyaan gantaallada ay ku ridayaan bariga magaalada Quddus, labada dhinacna ay iska ilaaliyaan iney qaadaan tallaabbo xiisadda sii hurin kara

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay xiisadda soo cusboonaatay inuu aad uga walaacsan yahay

Xoghayaha arrimaha dibadda UK Dominic Raab bartiisa Twitter-ka wuxuu ku soo qoray in degdeg loo joojiyo gantaallada quddus lagu soo ridayo, iyo in la joojiyo dadka rayadka ah in la bartilmaameedsado.

Madaxa arrimaha siyaasadda Midowga yurub Josep Borrell wuxuu isna sheegay rabashadaha ka soo cusboonaaday Daanta Galbeed, Qaza iyo Bariga magaalada Quddus in si degdeg ah loo joojiyo.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobayna Isniinti wuxuu arrintan ka yeeshay shir degdeg ah walow uu wax war ah uu ka soo bixin.

Ila wareedyo diblumaasiyadeed waxay wakaaladda AP u sheegeen Qaramada Midoobay, Masar iyo Qadar, oo inta badan dhexdhexaadiya Israa;iil iyo Xamaas ay dhankooda dadaal ugu jiraan xiisadda taagan sidi ay u dajin lahaayeen.

Quddus maxaa xuddunta xiisadda ka dhigay?

Al-Aqsa waa magaca “qeybta sare ee qalinka ah” wuxuuna masaajidka uu ku yaalla dhul ka kooban 35-hektar, Muslimiinta waxay u yaqaanaan masjidku al-Xaram al-Sharif, halka Yahuudana ay u garanayaan Macbad.

Waxaa sidoo kale hay’adda dhaqanka ee Qaramada Midoobey ay u aqoonsantay goob dhaqan iyo hiddo leh oo muhim ah.

Goobta uu misaajidka ku yaallo ee magaaalada Qudus waa meesha ugu muranka dheer caalamka tan iyo sannaddii 1967 xilligaas oo Israa’iil ay qabsatay bariga Qudus oo ay ka mid tahay qeybta qadiimiga ah ee magaalada.

Dadka Musliminta ah waxay Misaajidka Al-aqsa ee magaalada Qudus u yahay goobta sadexaad ee Barakeysan.

Masjidka Al-Aqsa waxa uu ahaa qibladii koowaad ee Muslimiinta ka hor inta aan laga dhigin Maka.

Qaabkan casriyeynta dhismahan oo qarnigii 7-aad la sameeyay waxa ay Musliminta u rumeysan yihiin in Beytul Maqdis ay ahayd goobtii laga dheelmiyay Nabi Maxamed Nabad galyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.

Dadka Yahuudda ayaa dhankooda aaminsan in dhismahani uu yahay goobti mar uu ku yaallay Macbadkii Yahuudda, balse sharciga Yahuudda ayaa mamnuucaya in halkaasi la galo oo lagu cibaadeysto iyaga oo u arkaa goob barakeysan oo aan la gali karin.

Darbiga ku yaalla dhanka galbeed ee misaajidka oo ay Yahuuda u yaqaanaan Gidaarta Baroorta, ayaa la rumaysan yahay in uu yahay darbigii ka haray macbadkii Yahuudda.

Balse Muslimiinta ayaa aaminsan in darbigaas yahay Gidaarka Al-Burqa oo ah goobtii uu nabi Maxamed (SCW) uu ku xirtay al-Buraq markii uu samada aadayay uuna Alle la soo hadlay.

Isniintii shalay ahayd kooxo yuhuud ah oo waddaniyaddu madaxmartay ayaa qorsheynayey iney socod ku maraan qayba ka mid ah Bariga Quddus oo ay muslimiintu deggan yihiin.

Munaasabadda maalinta Quddus ayaa sanad walba lagu xusaa tani iyo inti ay Israa’iil qabsatay ee 1967-kii.

Falastiinyiin badanna waxay arrintaa ku arkaan daandaansi ula kac ah. Munaasabadda maalinta Quddus ee sanadkan ayaa ku soo beegmay maalmihi ugu dambeeyey ee bisha barakeysan ee Ramdhaan.

Xigasho: BBC Somali