Weftii Somaliland ka socday iyo masuuliyiinta Shirkadda DPWorld oo Kulan Dhex maray

Dubia – (warsoor) – Weftigii Somaliland ee uu hogaaminaayey wasiirka madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta shirkadda DPWorld si uu war-saxaafadeed kooban ku sheegay safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar.

Nuxurka war-saxaafadeedkan kooban ee uu soo saaray safiir Baashe ayaa u dhignaa sidan:

“Wefdi ka socda xukuumada Somaliland iyo madaxda shirkada hawlaha dekedaha ee DP World ayaa is-afgarad wanaagsan laga gaadhay, dhamaan qodobadii laga wada hadlay.

Wefdigan oo ka koobnaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyadda Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda, Zamzam Cabdi Aadan, Maareeyaha Dekeda iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya, ayaa la filayaa inay maalinta Jimcaha kulan la yeeshaan jaaliyadda Somaliland eek u dhaqan dalka Imaaraadka Carabta.

Dhamaan wefdiga Somaliland ayaa ku soo laaban doona dalka usbuuca dambe, marka laga reebo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo ku biiri doona wefdiga Madaxweyne Siilanyo ee booqashada ku tegay dalka Ingiriiska.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.