Weftigii Somaliland Ee Ku Sugnaa Dalka Jeejniya Ayaa Safarkoodii Ku Soo Gabagabeeyey Arrimo Doora Oo Muhiim U Ah Labada Dal

Jeejniya – (warsoor) – Waftigii uu hogaaminayay, wasiirku xigeenka wasaaradda maaliyada Somaliland md. Axmed Xaashi Cabdi oo ay wehelinayeen, Amb Cabdifataax Siciid Axmed Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti oo isagu isku xidhka iyo sidii ay u suurogeli lahayd xidhiidh wada shaqayneed oo dhex mara labada dal ku guulaystay in ay weftigani ku tagaan dalkaaasi iyo xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin ee maalmahan ku sugnaa dalka Jeejniya ayaa  soo gabagabeeyay booqashadii ay ku joogeen dalkaasi iyagoo lakulmayna jaamacada jeejniya university iyo Ooyal university oo ah ta dunida ugu taariikhda dheer ee lagu dhigo cilmiga shidaalka lagu barto.

Halkaasi oo ay kawada hadleen sidii loogu fidin lahaa deeq waxbarasho ardayda reer Somaliland, waftigu waxa kale oo ay booqdeen wasaarada beeraha halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka iyo khubaro kale oo ka tirsan wasaarada beeraha dalkaasi. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada, ganacsiga, maalgashiga iyo waxbarashada.

Ugu danbeyntii waxa waftiga qado sharaf xafiiskiisa ugu sameeyay wasiirka arimaha dibada oo ay wehelinayaan wakiiladiiisa iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaarada arimaha dibada labada dal.

Waftiga ka socday dalka Jamhuuriyada Somaliland waxay usii gudbeen dhinaca caasimada dalkaasi Ruushka ee Moosko iyagoo shirar dhawra ku yeelan doona maalmaha soo socda.

Halkan ka daawo warkan:

https://youtu.be/lcj0_JCNd-4https://youtu.be/Ob76pfSzrO8

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.