Xarunta Baaralaamka Somaliland Oo Xoghayaha Golaha Wakiiladu Ka Mamnuucay Inay Warbaahintu Gasho

Hargeysa – (warsoor) – Xarunta Labada gole qaran waa wakiilada iyo guurtida ee oo mudooyinkii u danbeeyey warbaahintu adkayd in ay gasho taasi oo uu amarka ay warbaahintu dibad jooga kaga tahay uu bixiyey xoghayaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle hadaba waxaanu idiin soo bandhigaynaa muxuu sharciga saxaafadu ka qabaa goob noocani ah in warbaahinta laga mamnuuco iyo siday tahay wada shaqaynta qalafsan ee uu la soo baxay xoghayaha golaha wakiiladu.

Xeerka Saxaafadda(Xeer No. 27/2004) Qodobka 30aadWaajibinta la shaqaynta saxaafadda Waxa uu dhigayaa  (‘’Saraakiisha Dawladda waxa waajib ku ah, inay la shaqeeyaan oo gacan siiyaan saxaafadda, si ay hore ugu mariyaan mabaadiida sheegaysa xaqa dadweynuhu u leeyahay  warhelidda’’). Geesta Kale Xubinta  III  XUQUUQDA HELITAANKA WARARKA Qodobka 8aad Awooda Helitaanka & Fidinta Wararka waxa uu dhigayaa (‘’Suxufigu wuxuu xaq u leeyahay inuu dawladda ka helo wixii dhokomenti ah ee la xidhiidha hawlihiisa’’).

Dhamaan qodobadaasi kor ku xusan waa kuwo xaq u siinaya in uu suxufigu helo war si uu u gudbiyo geesta kale xarunta Baarlamaanka oo ay joogaan 164(Boqol Lixdan iyo afar) xildhibaan oo ay soo doorteen bulashadu kuwaasi oo iskugu jira Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida kuwaasi oo dhamaan tood ah sameeyayaal wareed oo matala bulshadii laga soo doortay waxa soo baxaysa in uu xoghayaha goluhu muquuninayo in bulshadu la socoto xildhibanadii soo doortay.

Tan iyo wakhtigii la doortay Gudoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax waxa muuqata in ay is badashay hanaanka iyo hawlaha ka socoda golaha Baaralaamka gaar ahaan golaha wakiilada, wakhtigii la dooranayey gudoomiye ku xigeenka kowaad oo dhamaan saxaafadu kala kulantay tacadiyo badan askarta golaha iyo maamulka golaha wakiilada hadaana waxaan wax weyn iska badalin in la fuliyo awaamiir uu sheegay gudoomiyaha cusub ee golaha wakiiladu oo sheegay in warbaahintu sidii caadiga ahayd u soo gali doonto golaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.