“Waxaan soo-jeedinayaa in qaadka la joojiyo” Gudoomiyaha Shirkada Qaadka ee Faraska, Ganacsade Faysal Faras

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Shirkada Qaadka ee Faraska Cad 725, Ganacsade Faysal Cismaan Faras, oo kamida mulkiilayaasha shirkada Faraska oo ah shirkadaha ugu waa-weyn ee dalka qaadka keena ayaa  Xukuumada Somaliland usoo-jeediyey qodobo muhiim u ah, sidii looga hortagi lahaa xanuunka dunida aafeeyey ee Covid 19.

Ganacsade Faysal Cismaan Faras oo ka hadlaayey kulan gudida xukuumada Somaliland u magacawday ka hortaga xanuunka covid19,  iskugu yeedhay ganacsatada qaadka ee dalka, oo xarunta madaxtooyada ka dhacay, ayaa waxa hadalkiisa kamid ahaa ” Gudida waxaan leeyey markasta waxaan maqlaa iyadoo la leeyahay, dheecaan baa la qaadayaa oo dibadaa lagu soo baadhayaa, waxaan odhan lahaa tijaarta Somaliland waa bad, markaa waxaan soo-jeedinayaa in kharashka lagu soo iibinaayo qalabkaas lagu baadhayo loo qaybiyo, taasi oo aan anigu kow ka noqonaayo bixintiisa, si aynu uga bad-baadno kolba dheecaankan la qaadayo.”

Ganacsade Faysal Faras oo hadalkiisa sii-wata ayaa waxa uu yidhi ” waxaynu ubaahanay Ogsajiin badan, markaa waa in aynu dadka u keeno Ogsajiin badan. “Gudoomiyaha Shirkada Qaadka ee Faraska Cad 725, Ganacsade Faysal Cismaan Faras, ayaa gabagabadii waxa uu soo jeediyey taladii ugu muhiimsanayd ee kulankan laga soo jeediyo, isagoo isla markaasina ka badheedhay in go’aan adag laga qaato guud ahaan keenista qaadka ee dalka isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi ” Anigu rayi ahaan waxaan odhan lahaa qaadka hala joojiyo, taana anigu ka koobaad baan ka noqonayaa, waayo waxa la badbaadinayaa waa bulshadii, hadii la is yidhaa yareeya waa fayraskii uun, laakiin hadii la joojiyo waxan aaminsanay in wax badani yaraanayaan, oo ururkii bulshadu baaba’aayo oo fadhiisigii bulshadu baaba’aayo oo wax badan baaba’ayaan ayaan aaminsanay anigu.”